Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ay ciidamo katirsan DF ka geysteen dil iyo dhac ay kula kaceen dad rayid ah.

Ciidamada ayaa mudooyinkii lasoo dhaafayba waxa ay dilal iyo dhaawacyo ka geysteen qeybo kamid ah degmmooyina ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay dilka hal ruux iyo dhaawaca mid kale oo ay saacdihii lasoo dhaafay geysteen askartu.

Sidoo kale waxa ay maalintii shalay dhaceen gaari Noha ah oo uu lahaa qof shacab ah.

DF ayaa dhankeeda qiratay in falalkaan ay geysteen askarteeda, arrintaas oo muujineysa in badi dilalka iyo dhaca ka dhanka ah dadka rayidka ah ay geystaan ciidamada DF.

Shir Jaraaโ€™id oo uu qabtay afhayeenka Booliiska DF ayaa wuxuu ka warabixiyay saacadihii lasoo dhaafay dhaca ay ciidankoodu ugeysteen dadka shacabka ah ee ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Sidoo kale dadka ay dhaceen waxaa kamid ah askar katirsan dharcadda DF, iyadoo bastoolad ay ka fureen askari dharcad ah ay ku dhaawceen qof shacab ah.

Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa la daalaa dhacaya dilalka iyo dhaca joogtada ah ee ay kala kulmayaan ciidamada DF, waxaana arrintaasi askarta ku dhiirra galineysa iyadoo aysan jirin cid kala xisaamtameysa falalka ay geysanayaan.

Hallkaan ka Dhageyso Warbixin Faahfaahsan