Maxkamadda shareecada islaamka ee wilaayada Galgaduud, ayaa xukun xaddu Riddo dil ah ku fulisay askari ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta, kaasi oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada mujaahidiinta.Xadkan ayaa lagu fuliyay murtad lagu magacaabi jiray Cabdi Xirsi Cali oo Loo garan ogaa Daanyeeroow, kaas oo si gaar ah uga tirsanaa murtadiinta loogu yeero Macawiisleyda ee ku sugnaa degmada Guricee.

Askarigan murtadka ah ayaa maxkamadda islaamiga ah ka hor iqrtay in uu muddo saddex bilood ah la shaqeynayay maleeshiyada murtadiinta, isaga oo falkaas gaalnimada ah ku jirana ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada mujaahidiinta. Boqollaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmada Ceelbuur ayaa soo xaadiray fagaaraha lagu khaarajinayay askarigan murtadka ah.

Halkan Ka Dhagayso Xukunka Maxkamada & Fulinta Xadka