Baranamijka Faafreebka wararka ee idaacadda islaamiga ee Andalus, waxaa lagu sii daayay waraysi gaar ah oo idaacaddu la yeelatay Sheekh Axmed Abuu Yoonis, waaliga wilaayada islaamiga ee Jubbada hoose, kaasi oo uu kaga warbixinayay waxqabadka maamulkiisa ee muddada saddex bilood ee uu dhisan yahay.

Sheekha ayaa mar la waydiiyay waxa u qabsoomay maamulka wilaayada muddada uu dhisan yahay, wuxuu sheegay in ugu horrayn ay la kulmeen wullaadda maamullada degmooyinka ay ka kooban tahay wilaayada iyo masuuliyiinta makaatibta wilaayada, kulamo kala duwan oo lala qaatay qabaaโ€™ilka dega wilaayada, dowraad gaar gaar ah loo qabtay ducaadda iyo wulaadda tuulooyinka qaar ka mid ah degmooyinka wilaayada, muntadayaad tacliimi ah iyo dowraad kale.

Dowraadka ay u qabteen qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu Sheekh Abuu Yoonis sheegay inay ka faaโ€™ideysteen inka badan 7,000 iyo 700 oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuu dhanka kale waaligu sheegay in maamulkiisa uu muddadan sameeyay biyo xireeno iyo in bulshada uu ku dhiirageliyay wax soo saarka dalka gaar ahaan beeraha.

Halkan Ka Dhagayso Waraysiga Waaliga Sheekh Abuu Yoonis.