waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay dhulgariirkii shalay ku dhuftay gobollo dhaca wadanka Afghanistan.
Imaarada Islaamiga ah ayaa xaqiijisay in dhimashadu gaartay 1500 oo ruux halka dhaawacyadu ay kor udhaafeen 2500.

Mas’uul uhadlay dowladda Afghanistan ayaa sheegay in ay ku adkaatay soo saaridda dadka wali ku xaniban burburka hoostiisa arrinkaas oo sare usii qaadaya khasaaraha dhimashada.

Musiibadan ugu daran waxay ka dhacday gobolka Khosti halkaas oo ay ku dhinteen boqolaal ruux, Almulla Max’med Xasan Akhunda oo ah R/wasaaraha xukuumadda Islaamiga ayaa amar kusiiyay dhammaan wasaaradaha dowladda in ay xoojiyaan gargaarka ay ufidinayaan dadka dhibaataysan.

Mas’uul katirsan wasaaradda arrimaha gudaha Imaarada Islaamiga ayaa sheegay in ay howllaha gurmadka ay si habsami leh ku socdaan wuxuuna ugu baaqay shacabka Afghanistan in ay musiibadan weyn gacan ka geystaan.