Dibadbaxyo aad u xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka Kenya, halkaas oo dibadbaxayaal caraysan ay isugu soo baxeen.

Bannaanbaxyada oo ahaa kuwa aad u xooggan ayaa soo billowday gelinkii hore ee maanta, waxayna banaanbaxayaasha isku ballansadeen inay xoog ku galaan dhismaha xarunta baarlamaanka ee dowladda Kenya.

Isku soo baxyadan maanta gilgilay caasimadda Nairobi ayaa salka ku haya diidmado ay dadka ku dhaqan Kenya ay ka muujiyeen hindise sharciyeed maaliyadeed oo ay soo saartay dowladda Kenya, kaasi oo lagu kordhiyay lacagaha canshuuraha ee dadka laga qaado.

Hindisaha ayaa dhigaya in lacago dheeraad ah lagu kordhiyo lacagaha dadweynaha si gaar ah shidaalka gaadiidka iyo rootoga, taasi oo kacdoon wayn ka dhalisay caasimadda iyo ismaamullada kale ee dalkaasi.

Dadka isku soo baxyada dhigayay waxaa ka mid ah Soomaalida, kuwaas oo ka dhex muuqday boqollaal maanta isugu soo baxay waddooyinka gala baarlamaanka Nairobi.

Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ayaa ka dhashay isku soo baxyada maanta ka dhacay magaalada caasimadda u ah dalka Kenya, mid ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ee gurmadka deg degga ah sameeyay ayaa sheegay inay dhaawacmeen 150 qof, halka la sheegay dhimashada 3 qof oo dibadbaxayaal ah, kuwaas oo la sheegay inay ciidamada Kenya ku toogteen afaafka hore ee xarunta baarlamaanka.

Dibadbaxayaasha ayaa diidan in baarlamaanka dowladdaasi uu ansixiyo hindise sharciyeedkan ay soo saartay xukuumadda uu majaraha u hayo Wilam Ruto, balse dowladda oo ka biya diidan dalabka dibadbaxayaasha ayaa ciidamo badan oo Boolis ah soo dhoobtay waddooyinka uu isku soo baxa ka socday, kuwaas oo toogashooyin u gaystay dadka rayidka ah, waxay sidoo kale ciidamadan adeegsanayeen sunta dadka ka ilmaysiisa.

Kacdoon wadeyaashu waxay dhankooda adeegsanayeen dhagxaan, si ay uga hortagaan rassaasta iyo sunta uu adeegsanayo ciidanka booliska ee lasoo dhoobay waddooyinka.

Xaaladda ayaa ah wali mid kacsan, madaxweynaha Kenya, ayaa horay u sheegay in uu wadahadal la furi doono dibadbaxayaasha, wallow aysan muuqan arintaasi.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii dibadbaxyo ka dhan ah hindise sharciyeedkan maaliyeed ee lacagaha lagu kordhinayo dadka rayidka ah ay ka dhaceen ismaamullo badan oo Kenya dhaca, oo ay ka mid ah tahay magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dhaawacmeen inka badan 200 oo Kenyaan u badan, halka hal qofna uu ku dhintay.