Isku soo baxyada xooggan ee ka dhanka ah dowladda Kenya, ayaa markale maanta gilgilay ismaamullo dhowr ah oo ka tirsan dalka Kenya, halkaas oo ay isugu soo baxeen kumannaan qof oo u badan dhalinyaro ka caraysan go’aanka dowladda Kenya ee lagu kordhiyay canshuurta dadweynaha.

Bannaanbaxyada ugu xooggan ayaa maanta oo Talaado ah laga soo wariyay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa oo ah labada magaalo ee ugu wayn dalka Kenya, halkaas oo dadka isugu soo baxay ay halku dhigyo ka dhigteen “Ruuto waa in uu tagaa”, iyo erayo kale oo ay ku muujinayeen sida ay uga caraysan yihiin canshuur kordhinta dowladda.

Dibadbaxyada oo ah kuwa rabshado wata ayay kacdoon wadeyaashu ayay maanta isku dayeen inay boobaan goobaha ganacsiga dadweynaha balse ganacsatada oo feejigan ayaa la arkayay iyaga oo difaacyo kaga jira albaabada laga galo xarumahooda gaancsi, magaalada Mombasa oo ah tan ugu daran ayaa lasoo sheegay in ganacsi dhowr ah maanta oo kaliya la bililiqaystay. ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaas xarumaha ku leh ayaa la arkayay iyaga oo hubka fudud ku difaacanaya hantidooda.

Warar kale oo la helay ayaa sheegaya in boqollaal gaadiid ah oo maanta ka ambabaxay magaalooyinka Soomaaliyeed ee Gaarissa, Wajeer iyo Mandheera oo kusii jeeday dhanka Nairobi ee ay caasimadda u geli waayeen rabshadaha ay wadaan dibadbaxayaasha, kuwaas oo la wariyay in ugu dambayn ay ku qasbanaadeen inay dib u laabtaan.

Shirkii Jaraa’id ee uu qabtay Wiliam Ruto ee uu ku diiday in uusan saxeexi doonin qorshaha ay soo gudbiyeen golaha baarlamaanka daaquudka ah ee dalkaasi, ayaan waxba ka beddelin go’aanka dibadbaxayaasha, waxayna go’aamiyeen inay sii wadaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda,

Dibadbaxyada maanta dhacay, ayaa yimid markii ay kacdoon-wadeyaashu ku ballameen inay fagaareyaasha issugu soo bixi doonaan maalmaha Talaadada iyo Khamiista ee toddobaadkan, ayna sii wadi doonaan kacdoonka, goobaha kale ee maanta isku soo baxyadu ka dhaceen waxaa ka mid ah ismaamullada Nakuru , Kisumu, Kisii iyo Migori.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa saadaalinaysa in kacdoonka ka socda waddanka Kenya, uu qarka usaaran in ay hal mar uu qabsado qaaradda oo idil ayna isku beddelaan dagaal weyn oo saameyn ku yeesha caalamka.