Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho.
Dab xooggan ayaa maanta barqadii ka kacay gudaha garoonka kadib markii ay diyaarad rakaab sidday ku dhacday dhabbaha diyaaraduhu ku ordaan ee loo yaqaan Run-Way-ga.

Sida ay wararku sheegayaan diyaarad nuuceedu yahay Fokker50 oo ka timid magaalada Baydhabo islamarkaana ay la socdeen 33 qof ayay cilladi soo wajahday kadib markii ay baalka midig dhulka ku dhufsatay.

Dab xooggan oo ka kacay matoorka diyaaradda ayaa sababay in uuro madoow ay cirka isku shareerto garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho.

Waxaa badbaaday dhammaan rakaabkii diyaaradda la socday balse waxaa dhaawacmay illaa 3 qof sida ay sheegeen howlwadeennada shirkadda Jubba Airways ee laheyd milkiyadda diyaaradda burburtay.