Maalintii shalay xukuumadda Hindiya ayaa dowladda Pakistan ku eedeysay, Masuuliyadda weeraro hubeysan oo lagu dilay 12 ruux, islamarkaana lagu dhaawacay tobannaan kale, kuwaas oo 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah goballabada Jammu iyo Kismhmiir oo ay ku muransan yihiin labadaan dowladood.

Taliyaha boliska Hindiya ugu magacaaban gobalka Jammu oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in Pakistan ay dooneyso iney wax udhinto nabad galyada ka jirto mandiqadda waa sida uu hadalka udhigaye.

Madaxda dowladda Hidniya ayaa dhankooda sheegaya, in dagaallo maalintii taaladada ka dhacay Mandiqadda ay sababeen dhimashada ugu yaraan 2 maleeshiyo oo hubeysan oo taabacsan dowladda Hindiya iyo askari katirsan xukuumadda dalkaas, iyadoona lagu dhaawacay hal ruux oo rayid ah iyo 6 kamid ah ciidamada ammaanka ee Hindiya.

Dagaalladaan ayaa kusoo aadaya laba maalmood un kadib markii 9 qof oo Hinduus ah la dilay, 41 kalena la dhaawacay, kadib markii rag hubaysan ay weerareen bas u socday Macbad ay Hinduuska ku leeyihiin gobalka Kishmiir ee ay Muslimiintu leeyihiin.

Dowladda Pakistan ayaaa dalbaneysa madax bannaanida goballada Jammu iyo Kishmiir oo marti galinaya rabashado hubeysan tan iyo markii ay billawdeen kandoonnada ka dhanka ah dowladda Hindiya sannadkii 1989-kii, kuwaas oo sababay dhimashada kumannaan ruux, inkastoo ay hoos u dhaceen rabshadaha dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaad 500,000 oo askari waxa ay si joogto ah ugu daabushaa gobalka Kishmiir ee ay ku muransanyihiin iyada iyo Hindiya, mid waliba oo labadaan daraf kamid ah ayaana sheeganaya inuu isagu leeyahay gobalka.

Tan iyo sannadkii 1989-kii waxaa gobalkaan ka socda dagaallo xooggan oo sababay dhimashada kumannaan ruux oo isugu jira rayid ciidan iyo kooxaha hubeysan, iyadoo kooxaha ka dagaallamaya ay dalbanayaan madax-bannaanida gobalka ama in lagu daro dalka Pakistan.

Hindiya ayaa had iyo jeer Pakistan ku eedeysa iney si joogta ah uhubeyso kooxaha ka dagaallamaya gobalka Kishmiir, arrinkaas oo ay iska beenisay xukuumadda Islamapad.

Cilaaqaadka u dhexeeya dowladaha Hindiya iyo Pakistan ayaa hakad galay tan iyo markii ay xukuumadda New Delhi ay soo afjartay maqaamkii gaarka ahaa ee goballada Jammu iyo Kashmir sanadkii 2019, taasoo u qaybisay laba gobol oo ay iyadu maamusho.