โXukuumadda Federaalka ee shisheeyuhu ilaaliyo ayaa Ankara ka codsatay in la wada hadalsiiyo Addis Ababa oo doonaysa in ay boobto badda Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa billaawgii sanadkan maalintii heshiiskan lasaxiixay ku baraarugay in Xasan Gurguurte uu ogolaa in Itoobiya lasiiyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya balse uu ka carooday wadiiqada ay usoo martay oo ahaa dhanka hoggaamiyaha maamulka Somaliland.
Isku soo wada duub oo Somalia ayaa u muuqata xukuumad aan sii jiri doonin waxaana laga yaabaa in dabayaaqada sannadkan ay xarakadu la wareegto Somalia. Warbixinaha areergalbeedka ayaa tibaaxaya in wax u eg wixii ka dhacey Afghanistan ay ku soo fool leeyihiin Somalia.
Warsame Warfaa