Tibor Nagi waa safiirkii hore ee Mareykanka u joogay dalka Itoobiya Waa kaaliyihii hore ee xog-hayaha arimaha Africa ee dowladda Mareykanka, Waana Diblumaasi American ah oo in badan ka soo shaqeeyey geeska Africa.

Mar uu ka hadlay Carada dadka Soomaaliyeed ka muujiyeen heshiiska Itoobiya lagu siiyey xeebaha Soomaaliya ayuu ku jees-jeesay dadka Soomaaliyeed. wuxuu sheegay in qeylo dhaanta kasoo yeereysa Soomaalida iyo dhaaqada ay ku muujiyeen diidmadooda ku aadan heshiiskan ay ahayd inay ku bixiyaan dhibaatooyinka ka taagan gudahooda oo aysan ku mashquulin deriskooda sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo ka jawaabaya in dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay ka xumaatay tallaabadaas ayuu yiri: “Dabcan dowlada Soomaaliya waxay abuureysaa xiisad ku saabsan heshiiska dekedaha ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, halkii ay ahayd in ay ku mashquusho duruufaha ay la daala dhaceyso. Maxay ummad fiyow ka qaban lahayd deked Soomaaliyeed iyadoo dadkeeda ay ku jiraan qas iyo fowdo. Marka hore Hagaaji dhibaatooyinkaaga kahor intaadan ka welwelin dadka deriskaaga ah” ayuu yiri.

Hadaladan kasoo yeeray diblumaasiyiinta iyo madaxda Mareykanka ee Afrika ayaa muujinaya in dowladda Mareykanka ay wax ka ogtahay heshiiska Xabashida lagu siiyey 20 km oo kamid ah badda Soomaaliya, waxaana ay arintan markale Umadda Soomaaliyeed ku baraarujineysaa halka ay la egtahay halista loo soo maleegay ee la doonayo in lagaga xayuubsado intii yareed ee dhulkooda ka haray ee ay heysteen.