Booliska dowladda saliibiyadda ah ee Kenya ayaa faahfaahinno ka bixiyay dhacdo argagax ku beertay dadka Kenyaanka ah, taasi oo lagu arkay qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Booliska ayaa ku dhawaaqay inay xabsiga dhigeen nin dhalinyaro Kenyan ah oo lagu tilmaamay inuu yahay ninka ka dambeeyay dilka haweenay badan oo maydadkooda laga helay meel gudaafad ah oo kutaal mid ka mid ah xaafadaha magaalada Nairobi.

Eedeysanaha ayay sheegeen in uu qirtay dilka 42 haween ah oo ay ku jirtay xaaskiisa, kadib markii 9 meydad ah oo gooโ€™goโ€™an ay Boolisku kasoo saareen god qashinka lagu shubo oo kuyaal magaalada caasimadda ah.

Collins Jamisi Khalusha oo 33 jir Kenyaan ah, ayaa booliiska u sheegay in uusan ixtiraami jirin nolosha dadka baniโ€™aadamka ah, kiisaskaas dilalka ah ee uu haweenka Kenyaanka ah u gaystay ayuu sheegay inay dhaceen ntii u dhaxaysay 2022-kii ilaa 11-ka bishan July 2024.

Saraakiisha boolisku waxay sheegeen in ninkan dilalka bareer u gaystay haweenka Kenyaanka ah ay ku xireen goob kutaal magaalada Nairobi ee caasimadda ah, habeennimadii Axadda ayay sheegeen inay gacanta ku dhigeen.

Khalusha ayaa ayaa si cad u sheegay in uu 42 haween ah gacanta kusoo dhigay oo uu dilay, kaddibna meydadkooda ku tuuray goob qashin ah oo kutaal xaafadda Mukuru, ee dhacda koonfurta caasimadda Kenya, taasi oo argagax ku riday dadka Kenyaanka ah.