Xilli uu xarkaha goostay boobka iyo bililiqada madaxda iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ay ka wadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayay ganacsatada ka howlgala Suuq bacaad, waxay cabasho ka muujiyeen lacago baad ah oo ay kusoo rogeen maleeshiyada murtadiinta.

Ganacsatadan oo shir jaraaโ€™id ku qabty Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyaad xiran dareeaka ciidanka Riddada ay usoo daateen xarumahooda ganacsi, kuna amreen inay bixiyaan lacag dhan min 15 dollar oo baad ah.

Waxay sheegeen in markii ay ka biya diideen bixita lacagahaasi badda ah ay maleeshiyaadkan murtadiinta ah iyaga oo awood millatari adeegsanaya ay xireen goobaha ganacsiga, waana qayb ka mid ah silsilado cabasho ah oo maalin walba ay warbaahinta la wadaagaan dadka reer Muqdisho, kuwaas u badan lacagaha baadda ah ee ay doonayaan madaxda iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada.