Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay magaalada muqdisho lagula beegsaday sarkaal sare oo katirsan ciidanka DF-ka soomaaliya.

Qarax ay ka Al Shabaab ka fuliyeen xaafadda suuqa xoolaha ee waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka melleteriga DF-ka.

Gashanle sare Cali Xaashi ayaa si dirqi ah uga badbaaday qaraxa, isagoo anfariirsan ayuu sarkaalkani warbaahinta lahadlay daqiiqado kadib markii uu ka fakaday qaraxa.

Wuxuu qiray in qaar kamid ah askartiisa ay dhaawacyo culus soo gaareen islamarkaana isaga qudhiisa ayay jirkiisa firiro galeen.

Gashanle sare Cali Xaashi ayaa jihaadiyiinta Al Shabaab ku eedeeyay in ay halis ku yihiin saraakiisha dowladda ayna doonayaan in ay waxyeelleeyaan wax uu ugu yeeray madaxda ciidanka qaranka oo uu u la jeedo kuwa carratuurka u ah shisheeyaha dalka kusoo duushay.

Amniyaatka Al Shabaab ayaa sare uqaaday howlgallada ay ku beegsanayaan askarta iyo saraakiisha dowladda ee dhibaatada kawada xaafado katirsan Muqdisho.