Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaabul Mujaahidiin iyadoo kaashanaysa ciidamada soo duulayaasha ATMIS iyo kuwa Xabashida.
Kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda amniga iyo nabad gelyada Ururka Midowga Afrika iyo R/wasaare Hamza Barre ayay uga hadleen xaaladda amni ee dalka Soomaaliya iyo sida laga yeelayo magaalooyinka lagu go’doomiyay ciidamada shisheeye ee wata magaca ATMIS.

Hamza Barre oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Midowga Afrika ay ka codsadeen ka qeyb qaadashada wax uu ugu yeeray guluf weyn oo ka dhan ah ‘Argagaxisada’.

DF-ka oo shisheeyaha dabadhilif u ah ayaa ku andacoonaysa in ay ka go’antahay wiiqidda maamullada Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya!.

Mas’uuliyiin ka socotay qeybta Ururka midowga Afrika ee qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada ayaa Muqdisho ku sugan waxaana hoggaaminaya nin lagu magacaabo Cabdi Maxamuud Heybe oo dowladda Jabuuti ufadhiya magaalada Addis Ababa.

Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xabashida itoobiya oo lagu wiiqay dagaalka Soomaaliya ayaa wax ka badan 6 sanadood dhaafi la’ saldhigyada ay ku suganyihiin kadib markii ay xoogagga jihaadi ah ka jareen waddooyinkii saadka waxayna ku qasbanaadeen in diyaarado lagu quudiyo.