Kalmadda uu caawa jeediyey hogaamiyaha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, Sheeykh Abuu Cubeyda Axmad Cumar, ayuu ku dheeraaday ka hadalka fashilka military ee heysta howlgalka midowga Africa ee loo yaqaano ATMIS, waxaana uu sheegay in isbaheysigaas uu joogo marxaladii ugu liidatay, Soomaaliyana isaga carari doono isagoo aanan xaqiijin wax hadaf ah.

Wuxuu yiri:

“Ciidamada Midowga Afrika oo haddaxuub dillaacsaday, midowga gaaladana ka saxiixday heshiis muddo kordhin ah ilaa 2024 dhamaadkeeda. Waxay sheegeen ujeedooyinka laga leeyahay waxa loogu yeero hawlgalka ATMIS inay saddex arrimood ugu weyntahay, kuwaas oo ah: dhisidda ciidan si fudud u ciribtiri kara Mujaahidiinta, nabadaynta dalka iyo inay masuuliyada amniga la wareegaan ciidanka riddada. Su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay ma waxay 15 sano ku qaban waayeen ayay2sano gudaheed ku qabanayaan? Mise waa muddo kororsi iyo waqti dheeraysi?”

Wuxuu sheegay inay soo bandhigeen cudud military oo adag ayna muddo 15 sano ku horgudabanaayeen isbaheysigaas, wuxuuna yiri: “Waxay Mujaahidiintu muddo ka badan 15 sano ku horgudbanaayeen duulaannada saliibiga ah ee ay gaaladu ku haysey ummadan Muslimka ah ee Soomaaliyeed, ha ahaadaan duulaanadaasi kuwo dhanka siyaasadda, dhanka dhaqaalaha, dhanka akhlaaqda, iyo dhanka militeriga intaba isugu jira. Muddadaasna waxay sidoo kale Mujaahidiintu goobjoog u ahaayeen dibindaabyada iyo hagardaamooyinka ay gaaladu u maleegeysey ummadan Muslimka ah waqtiyo badan”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Maanta oo duulaankoodaas laga joogo 15 sano, Saliibiyiinta Afrikaanka ah iyaga ayaa maanta fakad ah, dib ugurasho bilaabay kadib markii ay ku baaba’een dagaalladii Mujaahidiinta, muuqaallada bakhtigoodana ay soo bandhigeen warbaahinta oo idil.”

Wuxuu tibaaxay in isbaheysiga ATMIS waxa lala maagan yahay iyo waxa uu maleysanayo kala fog yihiin, si nabad ahna aysan Soomaaliya uga insixaabi doonin. Wuxuu yiri: “Saliibiyiinta Afrikaanka ahi maanta waxay miciin bideen inay dhaqdhaqaaqooda yareeyaan, dhufaysyadana adkaystaan, iyagoo uga danleh inay dhiiigbaxa, dhimashada iyo dhaawaca ku socda iska yareeyaan, waxayna ku rajoweynyihiin inay guryahooda iyo ubadkooda iyo eheladooda ku laabtaan iyagoo nabad qaba kadib 15 sano oo gumaad ay ku hayeen ummadeena. Gaalka maangaabnimadiisa, waxa lala maaganyahay iyo wuxuu malaysanayo waaba kala fogyihiin.”

Wuxuu sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay halgan geesinimo kala hortageen isbaheysiga ATMIS mudadada 15ka sano ah ee ay dalka joogaan.”Waxaa Allaah mahadiis ah , 15kaa sano ee ay gumeysiga ummadeena ku hayeenna, looma gacma duubnayne waxaa lagala hortegay halgan iyo jihaad aan kala go’ lahayn, nafhur iyo istish-haad, taas oo ay ku ammaananyihiin dhamaan qabaa’ilka Muslimkaa ee Soomaaliyeed, kuwaasoo u guntadey siday isaga kicin lahaayeen gumeystaha, naf iyo maalna u huray. Dhacdooyinkii 15kaa sano iyo dagaalladii lala galay saliibiyiinta cadaan iyo madowba leh ayaana ka marqaati ah, ummaddoo dhanna ay marag ka tahay” ayuu yiri.

Wuxuu soo hadal qaaday duullaankii cagta lagu mariyey xerada ciidanka Burundiga ee Ceelbaraf, wuxuuna yiri: “Duulaanadii barakaysnaa ee taariikhda galay ee ay Mujaahidiintu ku qaadeen saliibiyiinta Afrikaanka ah waxaa u dambeeyey macrakadii Ceel Baraf, halkaasoo lagu xasuuqay saliibiyiinta Burundeyska, looguna aaray Muslimiinta deegaannadaas ku noolaa ee la ciillanaa dhibaatada iyo gaboodfallada joogtada ah ee ay kula kacayeen ciidamada Burundeyska ah. In ka badan hal asbuuc ayuu bakhtiga ciidamada Burundi banaanada warnaa oo ay duurjoogtu halkaa ku feenaneysay”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Baryona kagama aysan guurine waxaa looga kiciyay gumac iyo rasaas iyo gawaari Istish-haadi ah. Dhalinyaro geesiyaal ah, Allaahna dulqaad iyo samir u hibeeyay ayaa subax weerar kula jarmaaday, naftooda qaaligaana u huray Allaahna kaga iibsadey janno.”

Ugu dambeyntii wuxuu hadalkiisa ku aadan ATMIS kusoo gunaanaday: “Waxaan leeyahay huwanta saliibiyiinta Afrikaanka ah: Guuldarradu habeenba nin bay la hoyataa ee ku tusaale qaata jabkii Marekyanka kasoo gaarey Afghanistan. Mareykanka oo in ka badan 100 kun oo ciidan ah iyo 100 kun oo qandaraasleyaal ah u joogeen Afghanistan aya ugu dambayntii isaga cararay isagoo aan guulna soo hoyn, hal hadafna xaqiijin, iyadoo ay Mujaahidiintuna kasii xoog badanyihiin waqtigii dagaalka lagusoo qaaday.”

Halkaan Ka Degso Kalmadda

Halkaan Ka Daawo Kalmadda