Hay’ad reergalbeed ah ayaa soo saartay warbixin cusub oo ay diiradda ku saarayso xaaladda dalka Soomaaliya iyo waxa la gudboon maamulka cusub ee hoggaanka uqabtay DF-ka. Warbixin ay soo saartay hay’adda xasaradaha adduunka ee loo yaqaan ICG ayay ku sheegtay in awoodda Al Shabaab ay tahay mid aad usarraysa islamarkaana aan ladhayalsan karin.

Hay’adda Xasaradaha adduunka (ICG) ayaa ugu baaqday Xasan Sheekh Maxamuud in uu wadahadal lafuro Al Shabaab haddii uusan sidaas yeelina ay fashilmi doonto dowladdiisa.

ICG ayaa warbixinteeda ku caddaysay in 15 sano oo dalka ay ku suganyihiin ciidamada shisheeye aysan ku guulaysan in ay ka adkaadaan jihaadiyiinta ayna yagleelaan nidaam awood leh oo lawareegi kara amniga Soomaaliya marka ay bixitaan bilaabaan ciidamada shisheeye sanadda 2024-ka.

“waa in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka faa’iidaystaa fursadda uu haysto oo uu wadahadal lagalo Al Shabaab, fursadda kaliya ee hadda taagan waa wada xaajood in lagusoo dabaallo Soomaaliya” ayay tiri ICG.

Sheekh Mahad Wasame oo katirsan mas’uuliyiinta sarsare ee Al Shabaab ayaa isbuucii lasoo dhaafay muujiyay suurtagalanimada wadahadal ay lagalaan cadowgooda balse wuxuu diiday in ay laxaajoodaan DF-ka oo uu sheegay in aysan aqoonsanayn.

Dhammaan madaxdii soo martay DF-ka ayaa ku guuldarraystay in ay wadahadal lagalaan jihaadiyiinta awoodda badan ee Soomaaliya, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in waqtigan aysan suuragal aheyn wada xaajood dhaxmara labada dhinac sababtoo ah hoggaanka DF-ka ma haysto madax banaani oo wuxuu ka amar qaataa dowlado shisheeye.