Kooxda ka hadasha xasradaha iyo dagaallada dunida ee magacooda loo soo gaabiyo ICG, fadhigoodana yahay dalka Biljimka ayaa soo qoray diraasad taxliil ah oo ku saabsan dagaalka 8 bilood jirsaday ee ka socda Qazza iyo dadaallada socda ee lagu doonayo in wadahadal iyo heshiis ay ku gaaraan kooxaha Muqaawamada Filastiin iyo maamulka Yahuudda.

ICG, waxay tilmaameysaa in dhinacyada dhex-dhexaadinaya wada-xaajoodyada u dhexeeya Yahuudda iyo Muqaawamada Filastiin oo kala ah Masar, Qadar iyo Maraykanka uu gaaray meeshii ugu xasaasiyadda badneyd, waqtiguna yahay goortii ugu munaasabsaneyd ee ay dhinacyadu ka wada hadli lahayaeen tafaasiisha heshiisak, si xabad joojin looga gaaro dagaalka ka socda Qazza.

Khubarada ICG ee taxliilka soo bandhigay waxay aaminsanyihiin in inkastoo qodobada heshiiska uu Biden soo bandhigay aaney raalligelineynin dhinacyada ishaya, hadana lagu tirin karo inuu yahay kan ugu wanaagsan ee xilligan suurogelin kara heshiis xabad joojin ah, haddii uu fashilmana ay adagtahay in markale la gaaro iqtiraaxaad iyo talo soo jeedinno suurogelinaya heshiis xabad joojin ah.

Mid kamid ah asbbaabaha Maraykanka ku riixaya inuu cadaadiyo sidii loo gaari lahaa heshiis xabad joojin ah, isagoo horey uga soo horjeeday wax xabad joojin ah, waa cabsida ay ka qabaan in siraaca ka socda marinka Qazza uu sabab u noqdo baahidda loolannada milliteri ee mandiqadda, si gaar ah xuduud beenaatka Lubnaan iyo dhulka ay Yahuuddu heystana ee Filastiin.

Waxaa intaa dheer in xukuumadda Washington ay ka cabsi qabto in mandiqadda ay kusii kordhaan weerarada ay geysanayaan kooxaha ku daaban dowladda shiicada ah ee Iiraan, ee ay ku beegsanayaan saldhigyada Maraykanka ee Suuriya iyo Ciraaq, taasoo ka dhigan in xeyndaabka siraaca uu sii kordho, dagaalkuna sii baaho.

Marka laga hadlayo ahdaaftii dagaalka ee ay Yahuuddu iclaamiyeen, waxay ICG tilmaameysaa inaaney jirin wax guul ah oo laga gaaray, suurogalna ahayn in la xaqiijiyo ahdaaftaas, sidaasi darteedna labada dhinacba ay haboontahay inaaney dayicin fursaddan lagu gaari karo heshisika, sida ay hadalka u dhigtay.

Inkastoo tafaasiisha iqtiraaxa uu Maraykanka soo jeediyay ee xabad joojinta aanu qodabadiisa faafahsan la heynin, hadana waxay khubarada ICG sheegayaan inuu ka koobanaan doono saddex marxaladood, marxaladda labaadna ay suurogelin karto mid kamid ah qodobada ugu muhiimadda badan oo ah xabad joojin buuxda oo aan kumeel gaar ahayn.

Wejiga koowaad ee heshiiska ayaa dhigaya in kooxaha Muqaawamadu ay sii daayaan maxaabiista Yahuudda gaar ahaan kuwa aan ciidamada ahayn iyo dadka waayeellada ah, waxayna marxaladani soconeysaa ugu yaraan 6 todobaad.