Maalmo kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday taliyaha sirdoonka ciidanka kacaanka iiraan ayaa lamagacaabay taliye cusub.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Shiicada Iiraan ayaa lagu sheegay in lacasilay Xasan Daa’ib oo ahaa taliyihii sirdoonka ciidanka kacaanka waxaana lagu bedelay Jeneraal Max’med Kaadimi oo hoggaamin doono mid kamida garabyada sirdoon ee ugu awoodda badan shiicada Iiraan.

Xuseen Salaame oo ah taliyaha guud ee xaraska iiraan ayaa bayaan ku sheegay in madaxii hore ee mukhaabaraatka laga dhigay lataliyaha gaarka ah ee taliyaha ciidanka kacaanka.

Maalin ka hor warbaahinta taageerta mucaaradka Iiraan ayaa sheegtay in dhaawac uu soo gaaray Xuseen daa’ib kadib markii kooxo aan heybtooda lagaran ay rasaas kala heleen dhabarka iyo madaxa balse warkaas ayay xukuumadda Tahran uga jawaabtay xilka qaadis iyadoo aan marnaba soo hadal qaadin in labeegsaday taliyaha iyo inkale.

dhinaca kale sirdoonka dowladda Tirkiga ayaa ku dhawaaqay in ay fashiliyeen howlgal weyn oo lagu dili rabay muwaadiniin dalxiisayaal yahuud ah xilli ay ku sugnaayeen magaalada Isntabuul.