Loading

iyadoo qeyb ka ah dib uhagaajinta dhaqaalaha wadanka ayay imaarada islaamiga ah ee Afghanistan hirgelisay biya xireenno waaweyn oo awood uyeeshay in lagasoo saaro koronto.

Dalka Afghanistan wuxuu kamid yahay dalalka caalamka ee dadkiisu ay mugdi lanoolyihiin xiliyadii habeenkii sababa laxiriira qarashka korontada oo qaali ah islamarkaana dadka badankiis aysan awoodin in ay iibsadaan.
Nidaamka islaamiga ah ee dhowaan dalka ka hana qaaday ayaa ka mira dhaliyay isku dayo dhowr ah oo looga faa’iidaysanayo kheyraadka dabiiciga ah ee wadankaasi leeyahay.

Gobollada waqooyi waxaa laga hirgeliyay biyo xireenno waaweyn kadib mashaariic horumarineed oo ay sameysay wasaaradda tamarta iyo macdanta dowladda islaamiga ah.

Wajiga labaad ee mashruucan ahna midka ugu weyn waxaa laga hirgeliyay koonfurta Afghanistan.
Munaasabad ballaaran oo xariga looga jarayay biya xireenka Kajaki waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sarsare oo katirsan imaarada islaamiga ah.

biya xireenkan oo laga yagleelay wilaayada Helmand ee koonfurta dhacda ayaa soo saaraya koronto dhan 100 Megawat 24-kii saacba, si aan kala go’ laheyn ayuu koronto usiinaya magaalooyinka wilaayada iyo kuwa dariska la ah.

“inkastii go’doomin siyaasadeed iyo mid dhaqaale lagu hayo imaarada islaamiga ah hadane towfiiqda alle kadib imaaradu waxay dhistay maxaddo laga dhalinayo koronto awoodeedu tahay 100 megawat, kadib markii biya xireen laga dhisay wilaayada Helmand ee Koonfurta Afghanistan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay imaarada Islaamiga