Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor’imaad hubaysan oo gobolka Bari ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan maamulka isku magacaabay ‘Puntland’.
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamo katirsan PSF-ta iyo kuwa Boolisk ay shalay ku dagaallameen xeebta magaalada waxaana iska hor’imaadka ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen iska hor’imaadka Boosaaso, dadka dhintay mid kamida waa askari Boolis ah halka qofka kale uu yahay shacab.

Xiisado colaadeed oo u dhaxeeya maleeshiyaadka PSF-ta ee Mareykanku tababaray iyo ciidamada booliska ayaa laga dareemayaa dhowr xaafadood oo katirsan Boosaaso.