Iska hor’imaad xooggan oo u dhaxeeyay maleeshiyaad deegaanka ah iyo kuwa sirdoonka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Galmudug, ayaa maanta ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Caabuuq-waaq ee gobolka Galgaduud.

Wararku waxay sheegayaan in iska hor’imaadkan uu si gaar ah kaga dhacay degaan lagu magacaabo Shilamadow oo kaabiga ku haya degmada Caabudwaaq, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Isku dhacan dhexmaray dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Riddada ashahaada la dirirka ee NISA, ayaa yimid markii maleeshiyada maamulka Galmudug ay isku dayeen inay difaacaan laba baabuur oo kuwa xaamulka ah oo ay galbinayeen, kuwaas ka yimid dhanka dalka Itoobiya, siday na saanado hub ah.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la wariyay in uu ka dhashay iska horimaadkaasi hubeysan, maleeshiyada deegaanka ayaa ku guulestay in ka mid ah gaadiidka xamuulka ay hubkii saarnaa kala degaan, halka mid kalena uu badan yahay dhanka maleeshiyada Riddada.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in hubkan ay kala bar la wareegeen dadka deegaanka ee Caabuudwaaq, uu ahaa mid laga soo gatay dhanka Itoobiya, loona waday dhinaca Goballada dhexe ee Soomaaliya, iska hor’imaadka ayaa kusoo beegmay xilli dagaal beeleedyo lagu hoobtay oo ay hurinayaan saliibiyiinta Itoobiya iyo maamullada ashahaada la dirirka ah ay ka socdaan gobollada dhexe.

Sawirro iyo muuqaallo ay dadka deegaanku ku faafiyeen baraha bulshada, ayaa muujinayay gaadiid lagu galbinayo hub tiro badan oo ay ka furteen maleeshiyaadka Riddada.