War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Xabashida Itoobiya, ayay uga hadashay khilaafka kala dhaxeeya kooxda Riddada Somalia iyo qulqulka ciidamadeeda ee isbuucyadii lasoo dhaafay kasoo gudbayay xuduud beenaadyada.

Nebiyu Tedla, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda saliibiyadda xabashida, ayaa caddeymo uu bixiyay ku sheegay in kumanaanka askarta Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya ay fulinayaan wax uu ugu yeeray dano caalami ah iyo kuwa maxalli ah, isagoo waxba kama jiraan kasoo qaaday wararka kasoo yeeraya madaxda kooxda Riddada.

Ugu horrayn, wuxuu sheegay in kumanaan ciidamo Xabashi ah oo isbuucii lasoo dhaafay kasoo gudbay Kalabeyrka, kadibna tagay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ay ahaayeen kuwa sameynayay tababar melleteri.

Afhayeenka wasaaradda dibadda xabashida oo wax laga weydiiyay eedayn uga timid kooxda Riddada soomaaliya oo ahaa in ciidamadaas aan iyaga lagasoo talagelin ayaa ku jawaabay “Ciidamada itoobiya goorta ay doonaan ayay soomaaliya gelayaan goorta ay doonaana way kasoo baxayaan, mana jirto cid ay ka amar qaadanayaan oo aan ka aheyn midowga Afrika iyo Q.Midoobay”.

Nebiyu Tedla, ayaa si cad u sheegay in kooxda Riddada Somalia ay tahay mid taak daran oo aan awoodin in ay dowlad u noqoto soomaaliya inteeda kale.

“ciidamadeednu waxay fulinayaan howlgallo caalami ah iyagoo ka amar qaadanaya midowga Afrika iyo Q.Midoobay, dowladda soomaaliyana ma maamusho meel ka baxsan madaxtooyada Villa Somalia” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dad ku sugan deegaannada xuduud beenaadyada ayaa warbaahinta usheegay in ciidamada Xabashida ee Kalabeyrka kasoo gudbay ay dhibaatooyin ugeysteen bulshada sida iyagoo xoola nool kaxaystay islamarkaana burburiya baraago ay biyo ka buuxeen.

Xukuumadda saliibiyadda Addis Ababa, ayaa ku andacoonaysa in ciidamadeeda duullaanka ku jooga Soomaaliya ay fulinayaan masaalixdeeda amniga qaranka.

Dowladda Itoobiya oo horraantii sanadkan uu muuse Biixi usaxiixay qeyb kamid ah badda Soomaaliya ayaa caddeysanaysa xaqiiqda joogitaanka ciidankeed ee dalka oo ah mid gummeysi.