Magaalada Adisababa ee wadanka Itoobiya waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay badda Soomaaliya kaasoo ah wadahadalladii labaad ee si gaar ah looga arrinsado Badda Cas.

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa lagu muujiyay sida ay Xabashidu horor ugu yihiin badda iyo bariga Soomaaliya, waxaana halkudheg looga dhigay baahida Iskaashi Goboleed ee badda cas.

Jacfar Bedru madaxa fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya oo warbaahinta la hadlay, ayaa tilmaamay in badda cas ay muhiimad weyn ugu fadhiso Itoobiya islamarkaana aaney suuragal ahayn iney ka tanaasusho.

“Xiriir taariikhi ah ayaa ka dhaxeeya Itoobiya iyo badda cas. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhihi ah ugu jirtay badda cas, waana arrin ku xiran jiritaankeeda. Dalalna nala dariska ah waxaa waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna badda cas” sidaasi waxaa yiri Bedru.

Mas’uulkan Itoobiyaanka ah ayaa sheegay in kuwa uu ugu yeeray cadaw taariikhi ah iney maalgeliyeen sidii meesha looga saari lahaa heshiis beenaadka uu Abiy la galay Muuse Biixi si ay u qaataan qeyb muhiim ah oo kamid ah badda Soomaaliya.

Madaxda Itoobiya waxay fagaarayaasha la taagan yihiin in iyaga iyo Soomaalida uu ka dhaxeeyo dagaal taariikhi ah, halka madaxda DF ay golayaasha kaga dhawaaqayaan in Itoobiya iyo Soomaaliya ay walaalo yihiin, iyagoo dhalleeceynaya taariikhda dagaaladii Xabashida lala soo galay oo madaxda Itoobiya dhankooda ku faanayaan.

Dowladda Itoobiya ayaa aad ugu celcelineysa mowqifkeeda ku qaadan qabsashada badda Soomaaliya, waxaana aqoonyahanadu sheegayaan in ay il ka aragtay murankii ay hadda kahor Kenya gelisay badda Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyntii Kenya looga tanaasulay dhulbadeed aad u baaxad weyn.

Madaxda DF ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay aad u yareeyay ka hadalka xadgudbka Itoobiya ee badda Soomaaliya, tiiyoo ay jirto ayaa habeen hore waxaa Xasan Sheekh dhagihiisa lagu dhibciyay farriin ka timid madaxweynaha Mareykanka oo uu siday xoghayaha arrimaha dibadda ee dalkaas, taasoo sheegeysay in Xasan uu hoos u dhigo xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya.