Dowladda xabashida Itoobiya, ayaa kumanaan ka mida askarteeda u daad guraysay galbeedka gobolka Sitti ee dhaca dhulka Soomaali-galbeed, halkaas oo isbuucyadii lasoo dhaafay ay ka socdeen dagaallo ay dad badan ku dhinteen.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada xabashida ayaa lagu sheegay in ciidamo dheeraad ah loo diray dhul ay ugu yeereen bariga Itoobiya oo ay ula jeedaan dhulka Soomaali-galbeed ee gummeysiga kujira. Taliska Abiy Axmed ayaa shacabka soomaalida ee maleeshiyaadka Cafarta la dagaallamaya ku sifeeyay kuwa argagaxiso ah isagoo wacad kumaray in uu dib u dejin u sameyn doono Cafartii laga ceyriyay galbeedka gobolka Siti.

War kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa oo ah midkii ugu horreeyay tan iyo markii kumanaan askari Itoobiyaan ah ay tageen deegaannada Cadhuufo, Caddeyti iyo Garba Ciise, ayaa muujinaya sida xabashidu ay masโ€™uulka uga tahay dagaallada soo noq-noqday ee ka holcaya mandiqadda. Dhinaca kale odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda galbeedka gobolka Siti ayaa shir jaraaโ€™id oo ay qabteen waxay uga jawaabeen warka kasoo yeeray nidaamka xabashida.

Odayaasha ayaa carrabaabay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen kaddib ay ku ogaadeen in ciidamo Itoobiyaan ah ay qeyb ka yihiin xasuuqa lagu hayo shacabka soomaali-galbeed ujeedkuna uu yahay in dhulka soomaalidu degto loo gacan geliyo qowmiyadaha kale ee Itoobiya. Salaadiinta galbeedka Sitti ayaa si cad u sheegay in Jeneraal Birhaan Juula oo ah taliyaha ciidanka Abiy Axmed uu ciidan gaar ah u xilsaaray sidii dhulka soomaali-galbeed gacanta looga bixin lahaa.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli dagaallo isbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacayay galbeedka gobolla Sitti ay maleeshiyaadka soomaalidu dib ugusoo ceshadeen deegaanno dhowr ah oo horay looga qabsaday, balse waxaa markii dambe dagaalka soo farageliyay ciidamada Federaaliga xabashida, kuwaas oo mandiqadda oo idil gummeysi ku haysta.