Markii ugu horraysay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegtay in ay aqoonsi rasmi ah siin doonto maamulka isku magacaabay ‘Somaliland’ ee ka jira waqooyiga Soomaaliya.

Mesganu Arga Moach oo ah Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Addis Ababa oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da laanta Afka Amxaariga ayaa xaqiijiyay in heshiiskii is afgaradka ahaa ee uu saxiixay Abiy Axmed uu kamid ahaa qodob ah in Itoobiya ay dowlad madax banaan u aqoonsato maamulka Somaliland.

Caddeymaha uu bixiyay Mesganu Arga Moach ayaa ah kuwii ugu horreeyay taariikhda inta la ogyahay ee dowlad dhacda geeska Afrika ay maamulka Somaliland ugu aqoonsaneyso dal madax banaan.

Muuse Biixi ayaa koowdii bishaan Abiy Axmed usaxiixay in Itoobiya ay qaadato 20Km oo kamid ah xeebaha badda cas ee dalka Soomaaliya arrinkaas oo si kulul ay uga falceliyeen shacabka Soomaaliyeed.