Jamaal Maxamad Cisaam, waa nin khabiir saxaafadeed ah, dhiirran oonan gabmasho aqoonin. Waxaa u sii dheer inuu yahay nin aad u yaqaana fursadaha uu qofka saxafiga ah ku caanbixi karo assaagiisana ku dhaafi karo. Wuxuu dhawr jeer hawlo shaqo ku tegay dhulka shareecada Islaamka lagu maamulo ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya isagoo warbixino xiisa badan u soo sameeyay talafishinada Al Jazeera iyo Channel 4 News.

Barnaajyadii uu sameeyay dhamaan wuxuu ku helay billado caalami ah kadib markii loo aqoonsaday inuu soo qabtay hawlo saxaafadeed oo uusan qof walba ku dhiirran karin uuna keenay waxa cilmiga saxaafada loogu yaqaano “Unique and exclusive reports”. Jamaal waa saxafiga Soomaaliyeed ee qaatay billadaha ugu badan ee caalamiga ah.

Taas waxay keentay in ay xusuus gaar ah ku reebaan safaradii uu dhulka shareecada ku tegay, uuna mar walba soo hadal qaado magaalooyinkii uu tegay, raggii uu kula soo kulmay iyo dareenkii uu ka soo qaaday.

FG: Qoraalkaan wax yar ka hor ayuu soo dhigay bartiisa Facebook.

Mudey Mocow