Xukuumadda Jamhuuriyadda Africada dhexe ayaa shaaca ka qaaday iney shaqa joojin ku sameysay sharikad macdanta baarta oo laga leeyahay dalka Shiinaha, taas oo ay ku eedeysay iney xiriir la leedahay Maleeshiyaad hubeysan oo ka dhisan dalkaas. Wareegto kasoo baxday xukuumadda Bangi ayaa shaqada loogaa joojiyay sharikadda Macdanka Daqing SARL ee laga leeyahay Shiinaha.

Wasaaradda macdanka ee Jamhuuriyadda Africada dhexe ayaa sharikaddaan Shiineeska ah soo saartaa Dahabka iyo Dheymanka waxa ay ku eedeysay, iney xiriirro sirdoon la leedahay jamaacaad hubeysan oo dalkaasi ka dhisan, waxyaabaha lagu heyto sharikaddaan ayaa sidoo kale kamid ah, iyadoo si sharci darro ah uga faaโ€™iideysato kheyraadka dalka, in goobaha macdanka laga qodo ay qaab aan qaanuunka waafaqsaneen ukeentay dad ajaanib ah, ineysan bixin lacagaha canshuurta ah, iyo in aysan soo gudbin taqaariir ku saabsan howlmaalmeedkeeda.

Sharikaddaan ayaa waxa ay ka howlgashaa degaan dhaca Koonfurta Jamhuuriyadda Africada dhexe, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo xooggan oo udhexeeya ciidamada xukuumadda dalkaas, iyo kooxda la magac baxaday isbaheysiga isbadal doonka oo ah jamaaaco hubeysan oo kasoo horjeedda dowladda.

Tan iyo sannadkii 2013-ka oo ah markii ay kooxo hubeysan la wareegeen talada dalka, ayna xukunka ka tuureen madaxweynihii dalkaaas, wax ay Jamhuuriyadda Africada dhexe marti galineysaa dagaallo xooggan, heshiiskii la gaaray sannadkii 2019-ka ayaana sababay in la yeero xaddiga dagaalka, ayna din ugarasho sameeyaan 6 koox oo hubeysan, kuwaas oo heshiis la galay xukuumadda.

Wixii ka dambeeyay heshiiskaas, waxaa la aasaasay Jamaacada isbaheysiga is badal doonka sannadkii 2020-ka, dalkaan ayaana wali kamid ah wadamada ugu faqrisan adduunka, inkastoo uu hodan ku yahay macaadin badan oo ka kooban dahab, dheyman, iyo kuwo kale.

Badi dadka Anaajibta ah ee ka shaqeeyaa sharikadaha macdanta qoda ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa wajahaya taxaddiyaaad amni, bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 4 shaqaale ah oo majaalkaan ka shaqeeya islamarkaana taabacanaa sharikad laga leeyahay Shiinaha lagu dilay weerar ka dhacay Mandiqad ku taalla Jamhuuriyadda Africada dhexe, waxaana xukuumadda dalkaas ay weerarkaan ku eedeysay kooxda isbaheysiga is badal doonka ee ka dhisan dalkaas.

Sannadkii laasoo dhaafay, kamid ah muwaadiniinta Shiineeska ah ayaa lagu dilay goob macdanta laga qodo oo iyadana ku taaalla isla dalkaan, si lamid ah sidii hore xukuumadda Bangi ayaa weerarkaan ku eedeysay kooxda Isbadal doonka.

Sannadkii 2020-ka, laba muwaadiniin Shiinees ah ayaa ku dhintay, dibad baxyo ay dhigeen dadka udhashay Jamhuuriyadda Africada dhexe, kuwaas oo ay uga soo horjeedeen sharikadda ka shaqeysa Macdanta ee laga leeyahay dalka Shiinaha, kana howgasha dalkaas.