Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno dhowr ah oo katirsan ismaamulka Amxaarada dalka Itoobiya halkaas oo uu hardanka hubaysan meel xun gaaray. Maleeshiyaadka jabhadda mucaaradka Amxaarada ee loo yaqaan Faano ayaa weli weeraro ku haysa saldhigyada ciidamada Federaaliga Xabashida ee ismaamulka Amxaarada.

Dhinaca kale sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka Melleeteriga Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in uu ku biiray kooxaha mucaaradka ah. Jeneraal Tefera Mamo oo horay usoo noqday taliyaha ciidanka khaaska ah ee ismaamulka Amxaarada kana mid ahaa saraakiisha waaweyn ee ciidanka itoobiya ayaa si lama filaan ah ugu goostay dhanka mucaaradka. Xaaska Tefera Mamo ayaa sheegtay in uusan gurigiisa dib ugusoo laaban tan iyo maalintii Axadda kolkaas oo uu reerka usheegay in uu Kaniisadda aaday.

Jeneraalkan baxsaday ayaa ka tagay Taleefankiisi gacanta ee khaaska ahaa si aan dhaq dhaqaaqiisa loola socon. ilo wareedyo ayaa sheegaya in Abiy Axmed uu Jeneraal Tefera Mamo xayiraad dhanka safarka ah kusoo rogay islamarkaana uu udiiday in uu siiyo Fiiso uu dibadda ku aado si loogasoo daweeyo dhaawac horay usoo gaaray. Baraha bulshada ayaa si aada h loogu faafiyay warkan sheegaya in uu Tefera ubaxsaday dhanka kooxda Faano, shabakad caan ah oo afka Amxaarada ku hadasha ayaa dhankeeda xaqiijisay baxsashada Tefera.

Jeneraalkan Xabashiga ah ayaa kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii Itoobiya ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya dabayaaqadii sanaddii 2006-2008-dii. Tefera Mamo ayaa inkabadan 40 sano katirsanaa ciidanka difaaca Itoobiya waxaana la sheegaa in uu kamid ahaa saraakiil mar isku dayay in ay afgembiyaan Males Zenaawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya.