Maxamuud Sayid Aadan oo ah kuxigeenka Axmad Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in ay halis weyn u arkaan in xilligan ay ciidamada Itoobiya ka baxaan wadanka Soomaaliya.

Warbaahinno ay kamid yihiin kuwa Mareykanka ayaa sheegay iney Maxamuud kasoo xigteen bixitaanka ciidamada Itoobiya inuu keeni karo in Jubbaland oo dhibaato ku keeni karo. Wuxuu sheegay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegayaan dhammaan meelaha ay ka baxaan ciidanka Xabashida. Xabashida ayaa heysta magaalooyin badan oo kamid ah gobolka Gedo sida, Garbahaarey, Baardheere, Buurdhuubo, Luuq, Doolow iyo magaalooyin kale.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhawaan gaaray magaalada Ceelwaaq oo ay heystaan ciidamada Kenya kadib markii uu maqlay in Kenyaanka halkaa jooga ay baxayaan, wuxuuna taliska ciidanka Kenya sida uu sheegay ka codsaday iney laba bilood sii joogaan.Dadka Soomaaliyeed ayaa aad ula yaaban in dad madax sheeganaya ay codsadaan in ciidan gumeysi ah oo baddii Soomaaliya qaadanayaahi sii heystaan magaalooyinka wadanka.