Wadanka Kenya waxaa dib uga billaawday dibad baxyo hor leh kuwaas oo ka dhan ah xukuumadda uu madaxda ka yahay William Ruto.

Malaayiin qof Kenyan ah oo ubadan dhalinyaro ayaa iskusoo baxyo ballaran ka dhigaya magaalooyinka waaweyn ee Kenya sida Nairobi iyo Mombasa.

Hay’adda Saliibka Guduudan ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in dhimashada ka dhalatay rabshadaha udhaxeeya ciidanka Booliska iyo shacabka caraysan ay gaartay 39 qof halka inkabadan 300 oo ruux isbitaallada ladhigay.

Magaalada caasimadda ah ee Nairobi waa meesha ugu daran ee ay dibad baxyada rabshadaha wata ka dhacayaan, afhayeen u hadlay rabshad wadayaasha ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn waxka bedelka qaanuunka canshuuraha balse ay doonayaan in uu iscasilo madaxweynaha Kenya islamarkaana la iclaamiyo doorasho cusub.