Dowladda Kenya ayaa markale sheegtay in dhowaan si rasmi ah ay ubilaabi doonto Khaatka ay udhoofiso dalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha beeraha dowladda Kenya ninka lagu magacaabo Peter Munya ayaa warbaahinta u sheegay in horraanta bisha Julaay ee soo socota la saxiixi doono heshiis rasmi ah oo lagu fasaxayo maandooriyaha Khaatka Kenya.

“5-ta bisha Luulyo ee soo socota heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan oo Nairobi ah” ayuu yiri Munya. Ka hor inta aan loo dareerin doorashada madaxtinimada ayay Kenya doonaysaa in ay ka farxiso beeralayda Khaatka ayna dib ugu furto suuqii weynaa ee ka xirtay sanadadii Farmaajo uu madaxda ka ahaa DF-ka.

Xasan Sheekh oo dabadhilif u ah shisheeyaha ayaa Kenya siinaysa fursad ay lacago boqolaal malyan oo dollar ah ugasoo xarayso maandooriyaha Khaatka bil walba.