Magaalada Ankara ee caasimadda u ah wadanka Turkiga waxaa ka socda kulamo udhaxeeya masโ€™uuliyiin ka socda dowladda Xabashida Itoobiya iyo kooxda Ridada Soomaaliya.

Wufuudda oo shalay gelinkii hore wada gaaray Turkiga ayaa billaabay is aragyo ku saabsan in ay ka wadahadlaan sida xabashida loosiin lahaa qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Warbaahinta maxalliga turkiga oo warbixinno ka qortay shirarkan khiyaanada ah ee ka socda Anqara ayaa sheegtay in saraakiisha kooxda ridada Soomaaliya ay durbadiiba Itoobiyaanka umuujiyeen tanaasul ayna usoo bandhigeen in lasiiyo xeebaha wilaayada Mudug taas bedelkeedna ay ka laabato heshiiskii is afgaradka ahaa ee 6 bilood ka hor ay lasaxiixatay maamulka Somaliland.

Wakaladda MEPA News ee af Turkish-ka ku hadasha ayaa soo daabacday warbixin ay ku sheegayso in wasiirka arrimaha dibadda kooxda Ridada ninka lagu magacaabo Axmed Macallin fiqi uu wafdiga Itoobiyaanka usoo bandhigay in ay qaataan dekadda degmada Hobyo taas bedelkeedna ay ka tanaasulaan Saylac iyo Lughaye oo kawada tirsan gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Itoobiyaanku ay ka madax adeygayaan aqbalidda dalabka kooxda Ridada islamarkaana ay weli ku adkeysanayaan fulinta heshiiskii ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed wada saxiixdeen kowdii bishii Janaayo ee sanadkan.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa doonaysa in ay qaadato xeebaha Saylac iyo Lughaye oo ay aaminsantahay in ay uga muhiimsanyihiin dekadda magaalada Hobyo.

Tallaabadan ay ku kacayso kooxda Riddada ayaa ah khiyaano kale oo ay ku doonayso in ay xabashida kula saaxiibto barriga iyo badda Soomaaliyeed.