Inta la hubiyay ugu yaraan 18 qof ayaa dhintay, halka kuwa kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kaddib markii dhul goโ€™ uu ka dhacay meel gudaafad ah oo qashinka lagu qubo.

Maamulka dowladda Uganda ugu magacaaban caasimadda Kampala, ayaa warbixin uu soo saaray ku xaqiijiyay dhimashada 18 xubnood, halka sidoo kale xusay inay jiraan dhaawacyada 14 kale.

Dhul goโ€™a ayuu sheegay in uu ka dhacay godka qashinka caasimadda lagu qubo ee Kitizi, maamulka caasimadda ayaa tilmaamay in dadka dhintay ay ku jiraan laba carruur ah.

Dhul goโ€™an ka dhacay caasimadda Yugaandha ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu wajahayo xaalado kuwan la mid ah, kuwaas oo gallaaftay nolasha boqollaal qof oo ku dhaqnaa bariga Africa, dhul goโ€™ii ugu xooganaa ayaa ka dhacay koonfurta dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku dhinteen boqollaal qof oo Itoobiyaan ah.

ย