Maalmihii lasoo dhaafay Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ka dagaallanta saxaraha iyo saaxilka Afrika ayaa silsilado weeraro ah ka fulisay dalka Burkina Faso, kaasoo ay ku beegstay ciidamada milliteriga wadankaas.

Weerarda ayaa si gaar ah loogu qaaday saldhigyo ay deganyihiin ciidamada Burkina Faso, waxaana ka dhashey khasaaโ€™ir kala duwan oo dhabarka loo saariyay askarta xukuumadda Burkin Faso.

Muโ€™assasada Az-Zallaaqa ee ku hadasha afka Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa baahisay war saxaafadeed wata sawirro cadeymo ah oo ku saabsan dagaallada ay ciidankooda qaadeen iyo khasaaraha ay geysteen.

Meelaha ay ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin weerarada ka geysteen waxaa kamid ah saldhig ku yaala mandiqad lagu magacaabo Koogo oo dhacda koonfurta gobolka Kofii-loogo, halkaasna waxaa ka dhashey khasaare culus oo gaaray ciidamada Burkina Faso.

Sida lagu sheegay bayaanka Az-Zallaaqa waxaa weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 47 askari oo katirsan ciidamada milliteriga Burkina Faso, iyadoo lagu soo furtay saanado kala duwan oo hub ah, oo ay kamid yihiin gawaarida dagaalka ee qoriyaasha lagu xiro, Soomaaliduna Cabdi-bilaha u taqaano.

Ugu yaraan 5 gaari oo nooca ciidamada h, kuna rakibanyihiin qoriyaasha dhashiikaha, 42 qori oo Ak-47 ah, 6 BKM iyo hub kale kala duwan ayaa kamid ah saanadaha hubka ah ee u gacan galay dagaalyahannada Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ka howlgala dalalka dhaca saaxilka iyo saxaraha Afrika.

Weerar kale oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Jambanga oo katirsan wadanka Burkina Faso waxay ciidamada mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin ku dileen ugu yaraan 11 askari oo katirsan ciidanka dalkaas.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay muโ€™assasada Az-Zallaaqa, waxaa howlgalkaasi lagu soo furtay 17 qori oo Ak ah, 5 BKM, 2 RBG iyo qoriga hoobiyaha ee loo adeegsadya duqeymaha xarumaha iyo saldhigyada ciidamada.

Weeraradan kadib, ciidamada Burkina Faso oo isku dayay iney dhaq-dhaqaaqayo ciidan sameeyaan ayaa la kulmay weerar jidgal ah oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dowri, halkaasna waxaa ka dhashey khasaare kala duwan.

Ugu yaraan 8 askari ayaa goobta looga dilay ciidamada Burkina Faso, waxaana laga furtay 5 mooto, 8 qori iyo qalabyo kala duwan, dibna ayayna ugu laabteen goobihii ay kasoo duullaameen, iyagoo aan xaqiijin wax hadaf ah.

Nusrtaul Islaam wal Muslimiin, waa jamaaco Jihaadi ah oo taabacsan ururweynaha Al-Qaacida, waxaana ay ka howlgashaa wadamo ay kamid yihiin Maali, Niger, Burkina Faso iyo kuwa kale oo dhaca saxaraha iyo saaxilka Afrika, sanadihii ugu dambeeyayna waxay jamaacadu xaqiijisay guulo waaweyn, iyadoo jilbaha u aasatay xamalaat ay soo qaadeen reer galbeedka oo ay horkaceysay dowladda Faransiiska.

Inakbadan 10 sano oo JIhaad ah kadibna, dowladda Faransiiska iyo guud ahaan reer galbeedka ayaa ka jilba laabtay mandiqadan, deegaanno badan oo katirsan dalalkan ay ka howlgalsho Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaana ah kuwa xor ah oo lagu maamulo Shareecada Islaamka.