Dad afartan kor u dhaafaya ayaa ku nafwaayey dhisme ku yaalla mandiqadda Minqaf ee Koonfurta dalkaasi Kuweyt.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kuweyt ayaa xaqiijisey maanta oo Arabaco ah in kor u kac ku yimid tirada dadka ku dhintey dhismaha dabku qabsadey kuwaas oo hore u ahaa 35 halka imminka ay gaareen 43.
Dadka wax ku noqday/dhaawacmey waxa ay wasaaraddu ku sheegtay 49 qof. Wasaaraddu waxa ay intaa ku dartey in dadka dhintey ay u badnaayeen xoogsato/shaqaale.

Dadka waxyeelloobey ayaa intooda badani hurdeen markii dabku kacey. Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in la geeyay dadkaas cisbitaallo xaaladdooda lagula tacaalo.

Warsame Warfaa