Ku dhawaad 20 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo askar u badan ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ee ku sugan dalka Suuriya, ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidanka maamulka Yahuudda.

Warbaahinta Iiraan waxay sheegtay in la-taliye millatari oo ka tirsan ilaalada Kacaanka Iiran lagu dilay weerarkan, oo ka dhacay galbeedka magaalada Xalab ee dalka Suuriya, halkaas oo lagula dilay 16 xubnood oo kale, kuwaasi oo ka mid ahaa ciidan taabacsan ilaalada kacaanka ee ku sugan Suuriya.

Warbaahinta dowladda Iiraan, ma aysan bixin xog intaas ka baxsan oo ku aaddan sarkaalka la dilay iyo darajadiisa ciidan, balse magaciisa waxay ku sheegeen Siciid Aab-yar, xubnaha lala dilay sarkaalkan Iiraaniga ah oo 16 xubnood ah waxaa lagu sheegay inay qaarkood kasoo jeedaan Suuriya, halka kuwa kalena kasoo jeedaan dalal aan Suuriya ahayn.