โ€‹Maamulka loogu yeero Koonfurgalbeed ayaa si cad uga soo horjeestay hadalkii dhawaan ka soo yeeray La Taliyaha ‘Amniga Qaranka’ Xuseen Macallin kaas oo ahaa in ciidamada Itoobiga ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2024.

Wasaaradda Amniga maamulka Koonfurgalbeed oo qoraal ku baahisey barta ay ku leedahay X ayaa tibaaxdey in Ciidanka Xabashidu ay wax fiican ka qabteen isla markaana ay sii wadi doonaan shaqada ay hayaan.
Dhanka kale waxa ay eed u jeediyeen Xuseen Macallin oo ay ku sheegeen nin bulshada jahawareerinaya.
“Koonfurgalbeed waxa ay ogtahay in dadka marin habaabinta ka wada baraha bulshada sida Xuseen Macallinโ€ ayaa lagu yiri qoraalka.

Warsame Warfaa