Maamulka isku magacaabay Puntland aya wali sii wada xadgudubyada uu ugeysanayo dadka shacabka ah ee kudhaqan dhulalka uu ka arimiyo maamulkan ee waqooyi Bari Soomaaliya. Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland ayaa dil ku xukuntay shan nin oo mid kamida maqane yahay kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ka mid yihiin jihaadiyiinta Al-Shabaab arrinkaas oo ugu danbeyn noqotay mid been abuur ah .

Mid kamid ah shantii qof ee ay xukunka ku ridday maxkamadda oo maqane ahaa ayna maxkamadu magaciisa ku sheegtay Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor hase ahaatee magacaasi waxaa beeniyey isla ninkii ay xukuntay wuxuuna sheegay in magaciisa uu yahay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid oo loo yaqaan Laahoor, sidoo kalana caddeeyay arrinta maxkamada maamulka isku magacaabay Puntland ay ku eedeysan in ay tahay mid waxba kama jiraan ah kuna tilmaamay mid si cad loogu baneysanayo dhiigga dadka birimageedada ah.

Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in muddo 8bilood ah uu ku maqnaa baadiyaha lana taacaalayey hooyadii oo bukaan ah .

Sida ay xoguhu sheegayaan Maamulkan ayaa dhowr jeer sidaan oo kale dad shacab ah oo aan xiriir la lahayn siyaasad iyo arrima kale intaba ku xukumay dilal toogasho ah oo aan loo meel dayin ,dhacdooyinkaas oo ay bulshada gobolka Bari ay ku tilmaameen wax aad looga xumaado ay ku kacayo Maamulkan isku magacaabay Puntland.

Bishaan oo kale sanadii 2021 ayey ahayd markii mamulka uu hogaamiyo Siciid Cabdullaahi Dani uu magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug uu ku toogtay 18 dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay katirsanaayeen Al-Shabaab balse ehellada dhalinyarada lalaayay ayaa sheegay in wiilashooda aysan wax shaqo ah ku lahayn waxa lagu soo edeeyay islamarkaana lo dilay si sharci darro ah.