โ€‹Odayaal dhaqameed ka soo jeeda beesha Garxajis ee “Somaliland” ayaa bixiyey mag dhan $500,000 taas oo ay ku sheegeen in ay tahay askar sannadkii hore malleeshiyo beeleed ka soo jeeda reerkaasi ku laysay buurta Gacan Libaax ee duleedka magaalada Berbera.

Afhayeenka beesha ayaa sheegay in lacagtaasi tahay toban qof magtood. Horraantii bishii Ogoosto ee sannadkii ina dhaafey dagaal ka dhacey buurtaas ayaa lagu laayey askar ka tirsan maamulka SL.

Odayaal kale oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa soo saarey goโ€™aammo 27-kii Ogos ee isla sannadkaas, goโ€™aammadaas oo ay ku dhexdhexaadinayeen malleeshiyada iyo maamulka halkaas oo malleeshiyada lagu xukumey in ay bixiyaan magta askartii la laayey dhanka kalena ay dowladdu qabato doorashadii madaxtooyada iyo ururrada oo isku sidkan.
Muuse Biixi ayaa dhankiisa aqbaley dhexdhexaadinta odayaasha Burco. Inkasta oo uu dhawaan sheegay in uu maxkamad la tiigsan doono jabhaddii askarta laysay.

Qaar kale oo katirsan salaadiinta ayaa lagasoo xigtay in magta ay bixiyeen lagu qasbay maadaama sababta dilka keentay ay aheyd arrima siyaasadeed.


Warsame Warfaa