โ€‹Warbixin rasmi ah oo ka soo baxdey Xafiiska Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Koonfurta Daarfuur, Galbeedka Suudaan ayaa tibaaxaya in kor u kac ballaarani ku yimid tirada carruurta u dhimanaysa nafaqodarrada.

Wasaaraddu sidoo kale waxa ay sheegtay in ay jiraan korodh ku yimid dhimashada iyo dhaawacyada ay sababeen dagaallada socdaa. Gobolka Koonfurta Daarfuur waxa weerarro baโ€™an ku haya jabhadda RSF sida lagu soo warramayo.
Kooxda RSF waxa lagu eedaynayaa in ay gabbaad ka dhiganayaan meelaha shacabku ku badan yihiin ee gobolka Daarfuur. Caasimadda gobolka Waqooyiga Daarfuur ee Al Fasher waxa tan iyo 10th May ka socda dagaallo lagu riiqmey oo ciidamada dawladdu adeegsanayaan diyaarado.
Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa Wargeyska Sudan Tribune u xaqiijiyey in dhimashadu gaartey 675 ruux halka dhaawacuna marayo 4,300 intii dagaalku socday. Waxa kale oo uu xaqiijiyey in xaalad darani ka jirto Al Fasher taas oo tilmaamaysa in badi dadkii deggenaa ka barokaceen guryahoodu ayna ku nool yihiin dhulka furan iyaga oo wajahaya xaalado biyo iyo cunto laโ€™aan ah.
Dhanka kale hayโ€™adda UNICEF ee carruurta u qaabilsan QM waxa ay soo saartey warbixin tibaaxeyaa in illaa 3.7 milyan ay la ildaran yihiin nafaqodarro daran. Xaalka ay ku sugan yihiin dadka reer Suudaan ayaa marba marka ka dambeysa ka sii daraya. Waddamada lagu eedaynayo in ay qayb ka yihiin xaaladda siyaasadeed ee Sudan waxa kamid ah dalalka Chad iyo Immaaraatka.

Warsame Warfaa