Xasan Maxamuud Culusoow ayaa bartamihii bishii May ee Sannadkii 2022-ka ku guuleystay inuu markale noqdo madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa xilligii hore ee uu madaxtinimada ku guuleystay waxa uu isku dayay inuu dagaal diin la dirir ah kusoo qaado wilaayaadka islaamiga ah ee lagu maamulo Shareecada Islaamka, isagoo qandaraas iyo sandareerto yar uga soo qaatay shisheeyaha caalamka duminta Maxaakiimta Islaamiga ah.

4 sano oo uu xilka hayay, waxaa badi uu waqtiga kaga lumay sidii uu kaga mira dhalin lahaa hadafkaas, balse waxa uu ku dhameystay fashil iyo guul darro, waxa uuna xilka ka dagay isagoo aan xaqiijin wax hadaf ama guul ah.

May 2022 markii uu dib ugu soo laabtay xilka madaxtinimada, waxa uu Gurguurte isagoo muddo aad u yar haya xilkaas ku dhawaaqay dagaal uusan ka fiirsan oo uu ku iclaamiyay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Shisheeyaha caalamka ee uu Mareykanku ugu horreeyo ayaa siray Xasan, waxa ayna siiyeen ballanqaadyo dhalanteed ah oo uu maanta arkay iney yihiin kuwa aan waxba ka jirin, meel dheerna aan gaarsiineyn. Waxaa loogu sheekeeyay in laga adkaysiindoono Al-Shabaab, dalkana uu ku faafin doono dimuqraadiyadda.

Balse Muddo yar kadib waxaa usoo baxday cagsiga wixii ay filayeen, waxaana uu Allaah fashiliyay oo uu dhabarka ka jabiyay Xamladii ay kusoo qaadeen Wilaayaadka Islaamiga ah, Kumannaan ciidamo ah oo ay saraakiil badan ku jiraan ayaana ku baxay gacanka Al-Shabaab, iyadoona dib looga qabsaday inta badan degmooyinkii iyo degaannadii ay duullaanka kusoo qaadeen.

2 Sano kadib duullaankii uu soo qaaday Xasan Sheekh ee uu wakiilka kaga ahaa Mareykanka iyo shisheeyaha Caalamka, waxa uu kusoo dhamaaday fashil iyo guuldarro, waxaana ku dhaboobay hadalka Allaah ee ah:- (ูˆูŽุฅูุฐู’ ุฒูŽูŠู‘ูŽู†ูŽ ู„ูŽู‡ูู…ู ุงู„ุดู‘ูŽูŠู’ุทูŽุงู†ู ุฃูŽุนู’ู…ูŽุงู„ูŽู‡ูู…ู’ ูˆูŽู‚ูŽุงู„ูŽ ู„ูŽุง ุบูŽุงู„ูุจูŽ ู„ูŽูƒูู…ู ุงู„ู’ูŠูŽูˆู’ู…ูŽ ู…ูู†ูŽ ุงู„ู†ู‘ูŽุงุณู ูˆูŽุฅูู†ู‘ููŠ ุฌูŽุงุฑูŒ ู„ูŽูƒูู…ู’ ููŽู„ูŽู…ู‘ูŽุง ุชูŽุฑูŽุงุกูŽุชู ุงู„ู’ููุฆูŽุชูŽุงู†ู ู†ูŽูƒูŽุตูŽ ุนูŽู„ูŽู‰ ุนูŽู‚ูุจูŽูŠู’ู‡ู ูˆูŽู‚ูŽุงู„ูŽ ุฅูู†ู‘ููŠ ุจูŽุฑููŠุกูŒ ู…ูู†ู’ูƒูู…ู’ ุฅูู†ู‘ููŠ ุฃูŽุฑูŽู‰ ู…ูŽุง ู„ูŽุง ุชูŽุฑูŽูˆู’ู†ูŽ ุฅูู†ู‘ููŠ ุฃูŽุฎูŽุงูู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูŽ ูˆูŽุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุดูŽุฏููŠุฏู ุงู„ู’ุนูู‚ูŽุงุจู)

Awoodda Al-Shabaab iyo Walaaca Guruurte+Kan Shisheeyaha Caalamka.

Kadib laba sano oo ay isku dayeen Shsieeyaha iyo dowladda fedaraalka iney maquuniyaaan awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, arrintaas darteedna ay usoo xashdiyeen wax waliba oo ay awoodaan ciidan iyo hub intaba, waxaa maanta muuqaneysa in dhammaan tacabkaas uu noqday hal bacaad lagu lisay.

Inkastoo ay naftooda ku qanciyeen in culeysyo badan oo dhinacyo kala duwan leh ay saareen Xarakada Al-Shabaab, haddana bil cagsi waxaa xamladii wajiyada kala duwan laheyd ee ay soo qaadeen ay Shabaabku ka faaโ€™iideen tajaarub kala badan.

Hubkii iyo saanaddii ciidan ee uu Mareykanka iyo dowladaha lamidka ah kusoo qalabeeyeen dowladda fedaraalka ayay dharaar cad Al-Shabaab furimaha dagaalka kaga fara maroojisteen ciidanka dowladda, taas oo sidaba uu Allaah Subxaanahu Watacaalaa Qurโ€™aankiisa Kariimka ah inoogu sheegay ay shallaayto iyo qoomamo ku noqotay kuwii hubkaas iyo qalabkaba bixiyay si loogula dagaallamo diinta Islaamka.

Xarakada Al-Shabaab oo Allaah kadib maanta ah cidda kaliya ee umaqan umadda Soomaaliyeed, kana difaaceysa dibindaabyada iyo dhagaraha gumeysiga ayaa wixii ka dambeeyay markii lagu iclaamiyay dagaalka billawday iney xoojisyo cududeeda millatari, taas oo ay aad ugu riyaaqeen dad badan oo Muslimiin ah kuna nool caalamka Islaamka si gaar ah geeskaan Africa.

Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa billaabay iney soo bandhigaan tababarro heerkeedu sarreeyo kuwaas oo aan horay loogu arag saaxada jihaadiga ah ee geeska Afirca iyo guud ahaan qaaradda, muuqaallada lagaa soo duubay ciidamada gaarka ah, kuwa istish-haadiyiinta, iyo millatariga utaagan difaaca ku dhaqanka Shareecada Islaamka ayaana noqday kuwa laab qaboqsi ah oo rajo weyn galiyay dadka dhibbanaha uโ€™ah xamlada Suhyuu Saliibiga ah ee lagu soo qaaday dalkaan.

Mucaskarikii ugu dambeeyay ee lasoo bandhigay ciddii dhaweyd ee ina dhaaftay ee Ciidul Adxaa, ayaa argagax iyo rucbi ku noqday shisheeyaha caalamka, waxaana Allaah mahaddii ah in maanta waxa loogu yeero Midwoga Africa ee uu hoostago howlgalka iminka fashilka kusoo dhamaaday ee ATMIS, iyo heyโ€™adda Qaramada Midoobey ay maxfallada kulamadooda ka dhacayaan ay si cad uga qiraan awooddda Al-Shabaab, iyagoo ku cataabaya in ay yihiin dad adkeysi badan, ku wanaagsan abaabulka, walaaca ugu weyn ee ay qabaanna uu yahay weerarada cagmarinta ah ee lagu soo afjaro xeryaha Shisheeye iyo dowladda fedaraalka.

Allaah ayay Mahadi oo dhami usugnaatay oo ina siiyay dhalinyaro uu cadowgu nooga heebeysto, Masuuliyad iyo xilna iska saaray ilaalinta sharafka umadda Muslimka ah, waxaana xaqiiq ah in haddii aysan maanta jiri laheyn wiilashaas dhalinyarada ah ay gaaladu sidey doonto ka sameysan lahaayeen dadka iyo dalkaba, lana arkeyn Masjid laga aadaamo iyo haween xijaabta.

Xaraashka Dadka Iyo Dalka.

Mid kamid ah dhaqannada ugu liita ee ay kawada siman yihiin madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida ee ku sugan gudaha dalka iyo dibaddiisa, waa iyagoo kaliya ka fakaraha sidii ay kheyraadka dalka ugu beylihin lahaayeen Shisheeyaha, taas badalkeedana ay ku helaan sandareerto yar oo ay guryo uga dhistaan dalka dibaddiisa, amaba ay ku helaan nolol yar oo liidata kuna dhisan dulli iyo ihaano.

Xasan Gurguurte ayaa la dhihi karaa waa ninka kaalinta koowaad ka galay xxaraashka dadka iyo dalka, muda xilileedkiisii hore waxa uu umadda uhorseeday dhaqaale burbur iyo in kheyraadkii Soomaalida uu ugacan galiyo dowlado dano gaarka ah ka leh dalka.

Waxa uu saxiisay heshiisyo xaaraan ah oo lagu xaraashay hantida guud ee umadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed, isagoo ka iibiyay shisheeye caddaan iyo madowba leh, taas oo mugdi galisay dhaqaalaha umadda, maadaama kaabayaashii ugu muhiimsanaa ay la wareegeen heyโ€™ado laga leeyahay wadamada duullaanka kusoo qaaday waddanka.

Intaas kuma ekeysane waxa uu billaabay dhulboob iyo barakacin ka dhan ah bulshada ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, heer ay dadku gaareen marxalad quus ah.

Xasan ayaa sidoo kale marka laga yimaado xaraashka dalka iyo boobka hantida umadda, waxa uu ku kacay tallaabo aad loola yaabay, taas oo ah iibsashada dad nool.

Teeramkiisii hore waxa uu Xasan Sheekh muujiyay sida ay uga goโ€™antahay inuu dalka iyo dadkaba iibsado, waxaana dad badan faciso ku noqotay in isagoo looga yaabanaa boobka hantida uu haddana ku darsado inuu dadka naftooda iibsado.

Xilligaasi waxa uu xasan dowladda sucuudiga ka iibsaday 200 oo gabdho Soomaaliyeed ah, taas oo muujineyso in naf iyo maal toona aysan ka badbaadin madaxweynaha dowladda fedaraalka.

Markii uu xukunka dib ugu soo noqdayna waxa uu Gurguurte la yimid musiibo ka daran tii uu horay ugeystay, isagoona 10 jibaareyna boobka ka dhanka ah dhulalka ay shacabku leeyihiin, heer daahiradaan ay Muqdisho ka noqotay mid iska caadi ah oo maalin waliba ay saxaafaddu tabiso,

Soomaalida oo idil ayaa waxaa fajaciso ku noqotay in xittaa Xasan iyo dowladdiisu ay ku filnaan waayeen dhulalka la dagan yahay ee ay maalin waliba ka barakicinayaan dadka masaakiinta ah, balse ay taasi kasoo gudbeen islamarkaana ay naf ka raadiyeen xabaalaha oo ay ka saareen dadkii ku aasnaa, heerka baahi ee heystana uu tusay in ayba lacag kasii raadiyaan saaridda meydadka, waana arrin dhab ahaantii aad looga xumaado, kuna tusineysana heerka liidnaanta ah ee ay maanta mareyso umaddeenna kadib markii ay ku raali noqotay in la ihaaneysto.

Gafka ka Dhanka ah Diinta Islaamka.

Maadaama aan wada aragnay heerka diin la dirirnimo ee uu Xasan Sheekh gaaray, waxaa mar kale umadda Soomaaliyeed ay wada arkeen xaqiiqada dhabta ah ee madaxweyne ku sheegga dowladda fedaraalka, isagoo si cad u aflagaadeeyay diinta Islaamka.

Isagoo qaadaya dhabbaha sheydaan ee madaxda uu ku daysado ee reer-galbeedka, ayuu Xasan Sheekh Madaxweynaha dowladda fedaraalka waxa uu mudooyinkii u dambeeyay marar is xigxigay si toos ah weerar ugu qaaday diinteenna suuban ee Islaamka, taas oo markale dadka ucadeysay in ninkaan uu yahay mid ay shisheeyuhu carbisteen loona soo diray sidii loogu dumin lahaa diinta.

Isagoo ka qeyb galayay shir ka dhacay dalka Norwey oo uu dhaqaale uga raadsanayay dowladaha reer-galbeedka, maadaama ay dowladdiisu qarka u saaran iney burburto, ayna ka hayaamayaan ciidamada shisheeye ee ATMIS ayuu xasan oo ka qeyb galayaasha shirka dareensiinaya in dagaalka ay ku jiraan uu yahay mid diineed si bareer ah ugu gafay diinta Islaamka.

Gurguurte ayaa diinta islaamka ku sifeeyay eray aad u foolxumo badan, isagoona ku tilmaamay iney tahay xasarad iyo dhibaato heysata Soomaalida, wuxuu kaloo tibaaxay in aysan diintu dhibaato ku aheyn Soomaalida oo kaliya balse ay ay tahay dhibaato uu la daalaadhacayo caalamka oo uu ula jeedo Reergalbeedka.

Ficil ama dhaqan ayuu marar badan sidaan oo kale madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh ugu gafay diinta Islaamka, waxaana arrimihii uu sameeyay ee dadka ka yaabiyay kamid ahaa inuu urukuucay meydadka ciidamo katirsan dowladda Kenya oo ay Al-Shabaab ku laayeen degaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo.

Baaq ku Socda Umadda Soomaaliyeed.

Dunida maanta waxaa ka socda dagaal ku saleysan caqiido oo ay isaga soo hor jeedaan koox yar oo ay isugu tageen dhammaan dowladaha ka dhisan caalamka, dagaalka wajigiisa dhabta ahna waxaa maanta inooga filan gummaadka wuxuushnimada ah ee ku socda ehelkeenna Qaza, Xasan Sheekh oo ay qormadeennu daarrantahayna uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee aqoonsada jiritaanka Kayaanka Suhyuuniga ah, Umana maleynayo in qofka arkay dhibaatada maanta lagu hayo walaalaheenna Filastiin uu hurda iyo qaflad kusii jiro, haddi aan maanta ukicin unusreyntoodana ay na qabsan doonto dhibaato lamid ah tan ay hadda wajahayaan.

Xabashi oo Yahuudda wakiil uga ah geeska Africa, Soomaaliyana ay kala dhaxeyso cadaawad soo jireen ah ayaa maanta duullaan qaawan oo aan geed loogu soo gamban ku heysa dhulkeenna, ee aan u istaagno sidii aan jiridda ugu siibi laheyn gumeysigeeda, una beenin laheyn damaceeda gurracan, dalka oo maanta maraya marxalad kala guur ah ayayna taariikhdu xusi doontaa kii uhalgamaya ee gumeystaha ka difaaca, iyo midkii duunyo dhaafsada ee isagu wakiil ka noqda baabiโ€™inta umadda iyo Kheyraadkeeda, sida Xasan Sheekh oo noqday madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara dalkaan.

WQ: MAXAMAD SUXUFI SOOJEEDE

FG: MASโ€™UULIYADDA MAQAALKAN WAXAA LEH QORAHA KU XUSAN LOOMANA TIIRIN KARO WARBAAHINTA ISLAAMIGA SOMALIMEMO