Wararka ka imaanaya wadanka Malaawi ee ka dhaca Koonfur bari qaaradad Afrika ayaa sheegaya in lawaayay diyaarad ay la socdeen mas’uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda. Madaxweynaha wadanka Malawi ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in lawaayay diyaaraddii khaaska aheyd ee uu saarnaa Saulos Klaus Chilima oo ah madaxweyne ku xigeenka dalka. Saraakiisha socdaalka ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe lawaayay diyaaraddii uu la socday madaxweyne ku xigeenka wadanka iyo 9 xubnoo oo ay kamid yihiin shaqaalaha diyaaradda.

Cirka oo ceeryaamo iyo roobab ka da’ayeen ayaa sababtay in diyaaradda la arki waayo waxayna ka qarsoontay shaashadaha raadaarrada maxalliga ah. Madaxweynaha Malawi wuxuu sheegay in diyaarado ka socda dalalka Ingiriiska,Mareykanka iyo Yahuudda ay kala qeyb qaadanayaan dadaallada lagu doonayo in lagusoo helo diyaaradda luntay ee uu la socday Saulos Klaus Chilima.