Hay’adda xuquuqul insaanka dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dad ku dhow 300 oo ruux ay ku dhinteen weeraro ay geysteen kooxaha mucaaradka ah.

Maleeshiyaadka mucaaradka OLA aya lagu eedeeyay in degmada Gimbi ee gobolka Oromia ay ku dileen boqolaal qof Shacab Amxaara ah.

Afhayeen uhadlay kooxda OLA ayaa beeniyay in ciidamadoodu ay dad shacab ah xasuuqeen wuxuuna falkaas ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin ciidamada ismaamul goboleedka Oromia.

Bishii lasoo dhaafay ayay maleeshiyaadka FANO tobanaan ruux muslimiin ah ku gummaadeen ismaamulka Amhara