Saacado guhadood Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yeman ayaa fuliyay weeraro horleh oo sawaariikh loo adeegsaday, kuwaas oo ay la beegsadeen maraakiib ganacsi oo marayay xeebaha Badda Cas.

War kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee mandiqadda loogu yeero bariga dhexe ayaa lagu sheegay, in illaa 3 gantaal ay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta kusoo weerareen 24-kii saac ee lasoo dhaafay Maraakiib ganacsi oo marayay xeebaha Badda Cas, isagoona faahfaahin ka bixiyay qaabka uu udhacay weerarka.

Sida uu sheegay taliska Sentikom, Maraakiibtaan ayaa waxaa lagu weeraray gacanka cadmeed, waxaana 3-da gantaal ay haleeleen 2 Markab oo ganacsi, iyadoona ay ka dhasheen khasaare hantiyeed, waxaana intaa dheer in talisku uu sheegay, in Maraakiibta ay horay usii wateen socdaalkooda.

War qoraal ah oo uu Sentikom ku baahiyay barta uu ku leeyahay โ€œXโ€ horayna loo oran jiray Twitter ayuu ku sheegay, in mid kamid ah Maraakiibta ay beegsatay kooxda Xuuthiyiinta uu ka babanayay calanka dalka Liberia, balse waxaa iska leh oo maamula dowladda Switzerland.

Ammaa Markabka labaad, waxaa isana laga leeyahay dalka Jarmalka, waxaana uu talisku ku faanay iney burburiyeen 2 sawaariikh oo kale iyo diyaarad Drone ah oo ay Maleeshiyaadka Rawaafidda Xuuthiyiinta kusoo ganeen dhanka Khaliijka Cadan, sidoo kalena ay basbeeliyeen xarun sawaariikha laga soo tuuro oo ay kooxdu ku leedahay dalka Yeman.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa lagu arki karaa labadaan Markab oo ku gubanaya bartanka Badda, iyadoo sidoo kale la arkayo maraakiib kale oo gurmad usoo sameeyay si ay dabka u dambiyaan.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa dhankooda ka hadlay weerarada ay ka geysteen xeebaha Badda Cas ee ay ku beegsadeen Maraakiibtaan ganacsi, iyagoona sheegay war ka duwan midka kasoo baxay Mareykanka.

Yaxya Sariic oo ah afhayeenka ciidamada Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa shir jiraaโ€™id oo uu uqabtay warbaahinta taabacsan kooxda waxa uu ku sheegay, iney fuliyeen howlgal millatari oo loo adeegsaday tiro sawaariikhda balaastiigga ah oo ay ka geysteen xeebaha Badda Cas, islamarkaana ku beegsadeen Markab dagaal oo laga leeyahay Ingariiska laguna magacaabo Diamondโ€.

Waxa uu sidoo kale shirkiisa jiraaโ€™id ku sheegay, iney beegsadeen laba markab oo kale, kuwaas oo uu ku eedeeyay iney ku tunteen bandowgii ay kooxdu saartay in wax maraakiib ah aysan gali karin degaannada ay Yahuuddu xoogga kaga heystaan Muslimiinta Filastiin.

Heyโ€™adda howlaha ganacsiga badaha ee laga leeyahay dalka Ingariiska, islamarkaana taabacsan ciidanka Badda ee xukuumadda London ayaa sheegtay, iney soo gaareen warbixinno sheegaya in weerar lala beegsaday Markab ay iyagu leeyihiin oo mararay goob 70 Mile dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Cadan ee dalka Yeman, weerarkaasna uu sababay inuu dab qabsado Markabka.

Warbaahinta taabacsan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa dhankooda sheegay, in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingariiska ay 3 duqeymo ka geysteen Mandiqadda Al-Jabaanah ee ku taalla galbeedka magaala Xeebeedka Al-Xudeydah ee dalka Yeman.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa maalmihii udambeeyay waxay sare uqaadeen weerarada ay ka geysanayaan xeebaha Badda Cas, kuwaas oo ay ku beegsanayaan Maraakiibta uu leeyahay isbaheysiga ay horboodayaan Mareykanka iyo Ingariiska, iyo xittaa kuwa ganacsi ee laga leeyahay wadamada qaar oo u badan kuwa reer-galbeedka.