Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa ku waramaya in malleeshiyaadka RSF ama Dacmu Sariic ay weli halkooda kasii wadaan gumaadka iyo xasuuqa ay u geysanayaan muslimiinta Suudaan ee sanad kabadan wajahay xaalad adag oo xaga nolosha ah.

Ugu yaraan 9 ruux oo shacab ah ayay malleeshiyaadka RSF ku dileen nawaaxiga magaalada Al-Faashir oo maalmihii ugu dambeeyay marti gelineysay tacadiyaadka kooxdan, waxaana dadka la laaayay ay isku dayayeen iney naftooda kala baxsadaan magaalada oo marti gelineysa dagaallo culus.

Sida ay kusoo waramayaan goobjoogayaal ku sugan magaalada Al-Faashir, waxaa gebi ahaanba xirmay isbitaalka keliya ee ka furnaa magaalada, laguna dabiibayay dhaawaycada, kadib markii uu la kulmay duqeymo xoogan oo ay geysanayaan malleeshiyaadka RSF.

Magaalada Al-Faashir ayaa waxaa ku dagaallamaya ciidamada milliteriga Suudaan iyo kooxda RSF, waxaana dagaalladu ay soo billowdeen tobankii bishii May ee aynu soo dhaafnay, illaa iyo hadana ma muuqato cid looga gacan sareeyo magaallada.

Saacadihii lasoo dhaafay, diyaaradaha milliteriga Suudaan ayaa duqeymo xoogan ku garaacay saldhigyo ay bariga magaalada ku leeyihiin kooxda RSF ee gacan saarka la leh Imaaraatka Carabta, laakiin lama soo warin xogo la xiriira khasaaraha.

Marka laga soo tago in magaalada Al-Faashir ay tahay xarunta gobolka wuqooyiga Daarfuur, waxaa magaalada lagu tiriyaa iney tahay xarunta Daarfuur oo idil oo ka kooban illaa 5 gobol, waana magaalada keliya ee xarun gobol ah marka laga hadlayo Daarfuur ee aaney gacanta ku dhigin kooxda RSF.

Caasimadaha afarta gobol ee Daarfuur ee kala ah wuqooyiga Daarfur, koonfurta Daaruuf, bariga Daarfuur iyo bartamaha Daarfuur waxaa gacanta ku haya oo maamula kooxda RSF ee uu hogaamiyo hogaamiye kooxeedka lagu magacaabo Xamiidti ama Muxamad Doqlo.