Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa shaaca ka qaada kol sii horreysay oo shalay ah in ay burburiyeen laba xarun oo ay Maleeshiyaaadka Xuuthiyiinta kasoo tuuri jireen gantaallada ay ku weeraraan maraakiibta isticmaasha xeebaha Badda Cas.

Waxa uu talisku xusay in xarumaahaan 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga soo tuuray gantaallo lagu weeraray Maraakiib isticmaaleysay xeebaha Badda Cas.

“Labadaan xarumood ee la burburiyay ayaa ka dhignaa kuwa tahdiid xooggan ku haya ciidamada Maretykanka, kuwa isbaheysiga, iyo Maraakiibta ganacsi ee isticmaasha Biyaha Mandiqadda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka.

Waxa ay intaas ku dareen iney sii wadi doonaan howlgallada ay ku ilaaninayaan xurriyada Maraakiibta isticmaasha biyaha dowliga ah, ayna ammaan ka dhigi doonaan Mandiqadda Badda Cas.

Dorraad ayay aheyd markii uu taliskaan shaaciyay, in Maleeshiyaaadka Xuuthiyiinta ay 24 saac gudahdood ay 3 sawaariikh ah la beegsadeen 2 Markab oo ganacsi, kuwaas oo marayay Khaliijka Cadan, ayna ka dhasheen khasaarooyin hantiyeed.

Isla maalintaaas, Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa shaaciyay iney gacanta ku dhigeen koox Jawaasiis ah, kuwaas oo ku howlanaa falal basaasnimo ah.

Hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa sheegtay, in ay gacanta ku dhigeen shabakad jawaasiis ah oo ushaqeynayay Mareykanka iyo Yahuudda, kuwaas oo ku qalabeysan tignoolajiyada iyo aaladaha awood u siinaya inay si qarsoodi ah u shaqeyso.

“Xunbahaa Shabakaddaan waxa ay ka qeyb qaateen howlo basaasnimo ah, iyo kuwa khariibaad ah oo lala beegsaday Mu’assasaad rasmi ah iyo kuwa aan rasmi aheyd muddo tobanaan sano ah.” ayuu yiri C/Xakiim Al-Khawaani oo ah madaxa hey’adda Nabadsugidda iyo Siroonka Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Mareykanka ayaa umuuqda inuu ku fashilmay isbaheysigii uu aasaasay ee uu doonayay inuu kaga hortago weerarada ay geysanayaan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee dalka Yeman, taas badalkeeda kooxda ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kordhisay weeraradeeda ka dhanka ah Taxaalufka uu horboodayo Mareykanka iyo maraakiibta isticmaasha biyaha Badda Cas