Xukuumadda Washington ayaa maalintii shalay oo Arbaco aheyd waxa ay shaaca ka qaaday iney cunaqateymo kusoo rogtay in ka badan 300 oo xubnood oo isugu jira afkaad iyo sharikado ay ku eedeysan iney xiriir la leeyihiin dagaalka uu Ruuhsku ku hayo dalka Ukraine.

Mareykanka ayaa tallaabadaan cusub ku doonaya inuu ku cuuriyaamiyo duullaanka Ruushka, taasoo Moscow ay u aragtay tallaabo cadownimo, ayna ballan-qaadday inay ka jawaabi doonto, iyadooba durbaba qaaday weeraro ka dhan ah Ukraine.

Cunaqateymahaan cusub oo ay soo rogeen wasaaradaha Keydka iyo arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa beegsanaya in ka badan 300 oo jiho, kuwaas oo ay ku jiraan kaayaanaad ka dhisan Ruushka, iyo dowladaha qaar sida Shiinaha, Turkiga iyo Imaaraatka Carabta, sidoo kale waxay cunaqateyntu saameyneysaa bankiyada ajaanibta ah ee la macaamila dowladda Ruushka.

Kayaanaatka ay beegsaneyso cunaqabateynnadan cusub waxaa kamid ah boorsada Moskow, iyo faracyada shirkado kale, taaso cusleyneysa tacaamulaadka maaliyadeed ee ku baxaya balaayiin doollar, waxaana inaa dheer shirkado ka shaqeeya mashaariicda gaaska dabiiciga ah.

“Waxaan halisyda ku kordhineynaa mu’assasaadka maaliyadeed ee ku lugta leh dhaqaalaha uu Ruushku ku bixiyo dagaalka Ukraine, inagoo meesha ka saareyno dariiqyada duumashada ah ee wax loogu tahriibiyo Ruushka, iyo inaan yareyno awoodda ay Moscow uleedahay ka faa’ideysiga ama helitaanka tignoolajiyada dowladaha shisheeye, agabyada kala duwan iyo adeegyada IT-ga” ayay tiri wasiiradda wasaaradda Keydka ee dowladda Mareykanka.

Cunaqabataynta cusub, waxa ay suurta gashay in la ballaariyo baaxadda waxa loogu yeero cunaqabataynta labaad si loogu daro dhammaan shakhsiyaadka iyo hay’adaha Ruushka ee markii hore lagu bartilmaameedsaday cunaqabataynta Maraykanka.

Tani waxay ka dhigan tahay in hay’adaha maaliyadeed ee ajnabiga ah lagu bartilmaameedsan karo cunaqabatayn haddii ay sameeyaan macaamil ganacsi oo ku lug leh qof kasta oo Ruush ah ama bangi la xayiray.

Cunaqateymaha ugu dambeeya ayaa sidoo kale beegsanaya shabkadahaa isaga kala gudba xuduudaha, iyo in ka badan 90 isugu jira shaqsiyaad iyo kayaanaad ka dhisan doowladaha Shiinaha, Koonfur Africa, Turkiga iyo Imaaraatla Carabta, sida lagu sheegay warka kasoo baxay wasaaradda Keydka ee Mareykanka.

Dhankeeda dowladda Ruushka ayaa ka hadashay cunaqateymahaan cusub ee ay kusoo rogtay dowladda Mareyaknaka, waxayna ku goodisay iney jawaab adag ka bixin doonto arrintaas.

Xukuumadda Moscow ayaa cunaqateymahaaan ku tilmaamtay kuwa cadowtooyo, haweeney uhadasjay wasaaradda arrimaahaa dibadda ee Ruushkaa ayaaana sheegtay ineysan jawaab la’aan ahaan doonin falalka nuucaan ah ee uu Mareykanku ku kaco.

Ruushka ayaa durba duqeymo ka fuliyay dalka Ukraine, madaxweynaha dalkaas Faladiir Zelenesky ayaa sheegay, in weerar sawaariikh loo adeegsaday oo ay Ruushku ku qaadeen magaaalo katirsan dalka Ukraine lagu dilay 6 ruux, iyo dhaawaca 11 kale.