Xilli uu qarka usaaranyahay in uu fashil kusoo idlaado duullaanka ay ciidamada shisheeye ku hayeen dalka muslimka Soomaaliya ayay dowladaha reergalbedka ee duullaankan maalgelin jiray reja xumo ballaaran ka muujinayaan.

Mas’uul Ameerikaan ah ayaa sheegay in calooshood ushaqeystayaasha Afrikaanta ay ku fashilmeen wax uu ugu yeeray xasilinta Soomaaliya.

Senator Jim Risch oo katirsan xildhibaannada Mareykanka ayaa shaaciyay in 18 sano oo Mareykanka iyo xulufadiisa reergalbeedka ay maaligelinayeen howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya aysan jirin wax guul ah oo lataaban karo.

Wuxuu kasoo horjeestay in marka dhammaadka sanadkan dalka laga saaro ciidanka Afrikaanta ATMIS la iclaamiyo howlgal kale oo Soomaaliya ka hana qaado.

” iyadoo wax lagu dhisanayo guuldarrooyin howlgalka midowga Afrika kasoo wajahay Soomaaliya waa in aan marka la iclaamin howlgal cusub waa in lakeenaa qorshayaal cusub oo soomaaliya nabad looga dhigo karo” ayuu yiri Senator Jim Risch.

Siyaasigan American-ka oo katirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa ku dhaliilay maamulka Biden ee Dimuquraadiga ah hanaanka uu ku wajahayo galka Soomaaliya.

Xukuumadda Washington ayaa duullaanka Soomaaliya si dadban iyo si toos ah uga qeyb qaadanaysay tan iyo sanaddii 2007-dii iyadoona taageero dhaqaale iyo mid melleteri siinaysay soo duulayaasha Afrikaanta ah.

Dhammaadkan sanadkan 2024 ayaa lafilayaa in gebi ahaanba lasoo gababeeyo howlgalka loogu magac daray ATMIS balse dowladda Xasan Gurguurte iyo ururka midowga Afrika ayaa Q.Midoobe ku riixaya in la dhiso howlgal kale oo cusub arrinkaas oo buuq siyaasadeed ka dhax dhaliyay cadowga.