Mid kamida maamul goboleedyada hoostaga dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegay in ay qabsan doonaan dhul hor leh oo katirsan dalka Soomaaliya.

Mustafa Cagjar oo ku magacaaban madaxweynaha dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gummeysato ayaa sheegay in ay boqolaal maleeshiyaad Liyuu Boolis ah udirayaan Soomaaliya si ay halkaas uga sameystaan wax uu ugu yeeray aag ka caaggan ‘Argagaxisada’.

“Qorshaheenu waxaa weeye in aan abuurno aag ammaan ah oo ka caaggan Argagaxisada kana baxsan deegaanka naga” ayuu yiri Mustafa Cagjar.

Boqolaal katirsan maleeshiyaadka dowladda Xabashida ee Liyuu Booliska loo yaqaan ayaa sanadadii lasoo dhaafay qabsanayay deegaanno katirsan gobollada Hiiraan iyo Bakool halkaas oo ay ka barakiciyeen shacabkii Soomaaliyeed ee deganaa.

Itoobiya ayaa isku dayaysa in dhulka Soomaalida ay si tartiib tartiib ah uqaadato iyadoo ku marmarsiyoonaysa la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada.