Ila wareedyo millatari oo katirsan xukuumadda Suudaan ayaa warbaahinta usheegay, in maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ee dagaalka kula jira dowladda ay weerar kusoo qaadeen, saldhig ay ciidamada cirka ku leeyihiin koonfurta magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Waxa ay sheegeen in nidaamyadooda difaaca hawada ay ka hortageen weerarkaas, islamarkaana ay fashiliyeen weerarka ay soo qaadeen Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah.

Iyagoo la hadlayay shabakadda Al-Jazeera ayay xuseen in diyaaradhaooda dagaalka ay duqeeyeen xarunta laga soo abaabulay weerarkaan ee ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah, taas oo ku taalla woqooyiga magaalada Khartuum Baxri ee dalka Suudaan.

Dhanka wilaayada woqooyi ee Daarfuur islaamrkaana dhacda galbeedka dalka Suudaan, waxaa iyana laga soo sheegayaa in Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ay magaalada Al-Faashar ee caasimadda gobalkaas ka geysteen duqeymo culus oo loo adeegsaday madaafiic, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Dad goobjoogayaal ah oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay sheegeen, in duqeymaha ay beegsadeen dhowr xaafadood oo ku yaalla magaalada Al-Faashar, ayna socdeen muddo saacado ah.

Tan iyo dhowr todobaad kahor, Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan magaalada Al-Faashar, iyagoona halkaasi soo dhoobay maleeshiyaad badan, si ay ula wareegaan gacan ku heynta magaalada oo ka dhigan goobtii ugu dambeysay ee gacantooda ka baxda, kadib markii ay ku guuleysteen iney 80% la wareegaan gobalka Daarfuur.

Millatariga Suudaan ayaa dhankiisa sheegaya inuu xoojiyay difaacyadooda hore ee ay kaga sugan yihiin magaalada, si ay uga hortagaan weerar waliba oo suuragal ah oo ay Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah kusoo qaadaan magaalada Al-Faashar iyo tuulooyinka dariska laโ€™ah.

Galambimadii Axadda duqeymo ka dhacay woqooyiga gobalka Daarfuur ayaa sababay dhimashada in ka badan 2 ruux iyo dhaawaca ku dhawaad 30 kale kuwaas oo ay ku jiraan caruur, waxayna duqeyntu beegsatay xarun caafimaad.

Tirada dadka ku baracakaya dagaalka Suudaan ayaa sidoo kale isa soo tareysa, wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganeysa heyโ€™adda waxa loogu yeero socdaalka adduunka ayaa sheegtay, in tirada dadka ku barakacay gudaha Suudaan ay gaartay in ka badan 10 milyan oo qof.